Marwo Cabdikariim ayaa ka baqday dhibaato tii ugu darneyd. Wiilkeeda yar ee 11-bilood jirka ah, Axmed Xuseen, wuu sii nuxuusay,wuxuu ahaa canug tabar daran oo caajisan.  Iyadoo aysan jirin xarumo caafimaad oo u dhow tuuladeeda oo ka tirsan magaalada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, ayaa hooyadan oo dhashay labo carruur  aysan haysan arin kale oo aan ka ahayn in ay safar aad u dhib badan oo 120km ah ku marto waddooyin dhiiqo ah iyo jidgooyo badan si ay ku gaarto xarunta xasilinta bukaannada ee Isbitaalka Guud ee Kismaayo.

“Uma malaynayn inuu sii noolaanayo wiilkeyga. Waa qof meel iska yaala, xitaa ma awoodin inuu ooyo,” ayay dib u xasuusatay.

Hooyooyinka Marwo oo kale ah oo ku nool miyiga Soomaaliya in ay daryeel caafimaad helaan waxay qaadan kartaa dhowr maalmood. Mararka qaarkood, xaaladdu waxay ku qasbaysaa in ay ku lugeeyaan waddooyin aan la mari karin iyadoo la marayo dhulal ay ka taliyaan maamulo kala duwan iyagoo dhamaantood rajo ka qaba badbaadinta nolosha kuwa ay jecel yihiin.

Markii ay imaanayeen xarunta, Axmed jirkiisu wuxuu ku dhawaa in uu howlgabo nafaqo-xumo ba’an oo haysay awgeed (SAM). Xaaladiisa caafimaad waa mid ka mid ah 479,000 oo carruur Soomaaleed ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano kuwaas oo la saadaalinayo in ay la daalaa dhici doonaan cudurka ee sannadkan 2025-ka, sida lagu sheegay falanqaynta isku-dhafka ah ee Sugnaanta Cuntada ee Marxalada Kala Soocidda (IPC). Xarumaha xasilinta sida Isbitaalka Guud ee Kismaayo oo ay taageerto Hay’adda Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa daaweyn naf-badbaadin ah siisa carruurta sida Axmed oo kale kuwaas oo  dhibaatooyin la xiriirta xaalado  caafimaad oo halis ah oo ay gaajo keentay.

Madaxa Xarunta Caafimaadka ICRC, Maxamed Siciid Cigaal ayaa dib- u- eegis ku sameynaya karaka caafimaadka ee Axmed Xuseen ee xarunta xasilinta Isbitaalka Guud ee Kismaayo. Hooyadii, Marwo waxay keentay xarunta asagoo xanuun aad u daran qaba oo ay u weheliso marasmus, iyo nabaro afka kaga soo baxay oo aad u daran ayaa keentay in la dhigo Qaybta Daryeelka Deg degga (ICU).
@ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Tirada loo oggolaaday seexinta xarunta quudinta daaweynta ah ayaa kor u kacday bilihii dhawaan la soo dhaafay. Bishii Abriil, tirada dadka la seexiyay ayaa laba jibaarmay marka la barbar dhigo bishii Maarso iyo bishii Maajo, 277 carruur ah oo aad u xanuunsan ayaa la seexiyay xarunta taas oo ah tiradii ugu sarreysay ee la dhigo hal bil gudaheeda  tan iyo abaartii ba’aneyd ee 2023-kii. Walaacan ayaa soo jiitamaayey ayadoo lagu dhex jiro colaado sii xoogaysanaya oo sababay mowjado barakac ah, fatahaado iyo abaaro isdaba joog ah oo qoysaska ku sii riixaya gaajo.

“Colaad ayaa barakicisay qoysaskii, fatahaaduhuna waxay baabi’iyeen dalagyadii beeraha, meelaha qaarkoodna  abaar ayaa durbadiiba qalajisay. Waalidku ma awoodaan in ay cunto iibsadaan, iyada oo caruurta yar yari ay noqdaan kuwa ugu horreeya oo ay gaadu saameyso.” ayuu yiri Antoine Grand oo ah madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya.

Baahida oo sii kordheysa iyada oo ay xarumaha caafimaadku xirmayaan

“Waxaan xarunta caafimaadka xoolaha ee suuqa ka raadsanaa -daawo, kaniini iyo sharobooyin… Laakiin hadda wax daawo ah ma bixiyaan.” Farxiyo Xasan

Farxiyo Xasan oo ah hooyo haysata sagaal carruur ah oo ku nool xero barakac oo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo waxay ku tiirsanayd rugtan caafimaadka si ay u hesho malmalaadada lawska ka sameysan oo qayb muhiim ah ka ah daweynta carruurta ay nafaqo-xumadu hayso.

“Booqashadayda xigtay, waxay ii sheegeen in aanay jirin malmalaaado ka sameysan lawska.Tan iyo markaas, ma helin wax malmalaado ah”.

Iyadoo qoysas fara badan u degdegayaan xarumaha si ay u helaan daryeel caafimaad oo takhasusi ah, rugaha caafimaadka oo markii hore ahaan jiray barta ugu horreysa lagu qaabilo hooyooyinka wata carruurta xanuunsan ee u baahan adeegyada nafaqeynta ay xirmayaan maalgelin la’aan darteed. Iyada oo ay jirto adeegyo caafimaad oo yar yar oo laga helo xarumaha caafimaadka magaalada ayaa xitaa carruurtu waxay imaanayaan xaruntan ayagoo tabar daran oo xanuunsan, xaalada jirkoodana ay tahay xaaladii heerka nafaqada dhexdhexaadka ah(MAM) wuxuuna u gudbaya xaaladda nafaqo-xumo daran oo halista ah ka hor inta aysan helin daawaynta aasaasiga ah ee loo baahnaa in la helo goor hore.

Nimco Ibraahim oo jirta hal sano iyo sagaal bilood ayaa iyadoo heyso nafaqo darro aad u daran timid xarunta caafimaadka oo raaca dhibaatooyin kale oo caafimaad ay ka mid yihiin kulaylka jirka oo yaraada (hypothermia).
Shantii bilood ee ugu horreysay 2025, ku dhawaad 900 bukaan ayaa lagu arkay xarunta xasilinta, halka xarumaha bukaan-socodka ee SRCS ay daweeyeen ku dhawaad 1,400 oo carruur ah.
@ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Xarunta ku taal Kismaayo ayaa lagu arkay koror ku dhow 70% tirada bukaannada la seexiyay tan iyo bilowgii sanadkan, marka loo eego shantii bilood ee la soo dhaafay. Sidaa oo kale, xarumaha bukaan-socodka ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (Bisha Cas) oo sidoo kale bixiya adeegyada nafaqeynta ayaa sidoo kale ka warbixinaya kororka hooyooyin  daaweyn u raadsanaya carruurtooda ay nafaqo-xumada hayso. Hase yeeshee barnaamijyada nafaqeynta ee ka hortagga ah waa ay sii yaraanayaan sababo la xiriira maalgelinta la’aanta. Goynta maalgelinta ayaa ka diidaysa qoysaska nugul sida Farihiyo in ay helaan daryeel waxqabad u baahan .

Iyadoo wax laga qabanaayo waxyaabaha loo haysto in aan wax laga qaban karin

Daawaynta laga bixiyo rugaha caafimaadka ayaa wax tar u leh bulshooyinka nugul. Carruurta, oo ah kuwa ugu horreeya ee daciifa marka la waayo cunto, sidoo kale marka la daweeyo si degdeg ah dib-ugu caafimaada.

“Markii aan keenay xaruntan , indhaheedu way madoobadeen wayna tabar darneyd. Duhurnimadii, way miyir qabtay, waxay isku dayday in ay fadhiisato oo xitaa wayba ciyaareysay,” ayay tiri Farxiyo oo gabadheeda Nimco ku sheegtay oo ay ka muuqatay calaamado horumar ah saacado ka dib markii ay timid xarunta.

Soo kabashada, caadi ahaan waxay qaadataa muddo 7 ilaa 14 maalmood iyadoo caanaha daawada ah lagu dabaqo  heerar kala duwan ee daaweynta ah.Hooyooyinka iyo dadka xanaaneya oo mas’uul ka ah carruurta ayaa inta lagu guda jiro qaabilaadda waxay sidoo kale helaan tababar muhiim ah oo ku saabsan fayo-dhowrka, talo-bixin ku saabsan naas-nuujinta , iyo la-talin ku saabsan nafaqada habboon, iyagoo la baraayo xirfado si ay u ilaaliyaan carruurtooda waqti dheer ka dib marka laga saaro xarunta.

Xarunta xasilinta ayaa maalin kasta qaybisa caanaha daweynta ah, iyadoo raacaysa jadwalka caadiga ah si ay uga caawiso soo kabashada carruurta. Carruurta ay hayso nafaqo-xumo ba’an ayaa la siinayaa caanaha F-75 inta lagu jiro marxaladda hore, halka kuwa ku jira xilliga kala guurka la siinayo caanaha F-100. Nadaafad kastaa waxay ku habboon tahay heerar kala duwan oo daaweyn ah
@ICRC/Abdikarim Mohamed

Rugaha nafaqeynta bukaan-socodka oo ay maamusho Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyo xarunta xasilinta Isbitaalka Guud ee Kismaayo oo u adeega xaaladaha ugu daran ayaa muhiim u ah bixinta daryeelka joogtada ah ee loo fidiyo hooyada iyo dhallaanka. Labada xarumoodba waxay bixiyaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, iyo heerarkooda daryeel ee dhammaystirka ah waxayna gacan ka geystaan ​​xakamaynta dhibaatada nafaqa-darrada ee Soomaaliya ku dhufatay.

“Waxay siiyeen daawo markii aan imid xaruntan ,waxay siiyeen caano, Ilaah baa mahad leh, hadda wuu fiican yahay wiilkeyga, uma malaynayn inuu caafimaadi doono,” ayay tiri Marwo oo ku nafistay dhibkii hayey.

Xarunta Caafimaadka Farjano ee Kismaayo waa mid ka mid ah 11-ka xarumood e0e daawaynta bukaan-socod oo ay maamusho Ururka Bisha Case Soomaaliyeed (Bisha Cas) oo ay taageerto ICRC.Hooyooyinka ayaa si joogto ah oo sax ah loo baraa farsamooyinka nafaqada iyo naas-nuujinta taas oo qayb ka ah adeegyada caafimaad ee la bixiyo ka hor inta aysan bukaannadu ka bixin xarunta caafimaadka.
@ICRC/Rahime Adan

 

UPDATE: Waqtiga qoraalkan, Axmed and Nimco waxay ku soo noqdeen guriga muddo ka badan laba todobaad, iyaga iyo walaalahooda, iyaga oo caafimaad qaba!