Dal la daalaadhacaya isku dhafka colaad hubeysan, abaaro soo noqnoqda iyo fatahaado bur bur sababa, ayey 79 xarun caafimaad oo uu maamulo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (Bisha Cas) wadaan bixinta daryeel caafimaad oo naf badbaadin u ah boqolaal kun oo dad ah.

Hooyooyinka umulaya, caruurta ay nafaqo-xumidu heyso iyo dadka dhaawaca ah, ayey xarumahani, oo badanaa ku yaala meelo fog-fog oo ay adagtahay in la gaaro, u sameeyaan farqiga nolol iyo geeri.

Sanadkii hore, ku dhawaad nus malyan bukaano ah ayaa daryeel caafimaad oo aasaasi ah u raadsaday xarumaha caafimaadka.  79-ka xarumood, 19 ka mid ah ayaa qeybaha guur guura oo la geeyo goobaha jiida hore oo uu dagaalku bulshada go’doomiyay. 44 xarumood ayaa bixiya taageero nafaqo oo aasaasi u ah hooyooyinka iyo caruurta oo wax looga qabanayo nafaqo-xumi daba dheeraatay oo saameysay malaayiin. 24 xarumood ayaa leh shabakad shaqaalaha caafimaadka bulshada oo dumar ah oo bixiya daryeel aad muhiim u ah ka hor umulidda hooyada iyo ka dib, oo ay ku jiraan taageerada naasnuujinta iyo la talinta cuntada ee hooyooyinka uurka leh iyo kuwa nuujinaya. 25 xarumood, oo ay ku jirto Xarunta Raadeer ee Dayniile, Muqdisho, ayaa howlgala 24/7 si loo hubiyo in qoysaska barakacay ay si joogto ah u helaan daryeel.

Xarumahan, oo uu taageero Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo saaxiibada kale ee Dhaqdhaqaaqa, gaar ahaan Laanqayrta Cas ee Denmark, Laanqayrta Cas ee Finland iyo Laanqayrta Cas ee Norway, ayaa lama huraan ah dal ay baahiyaha daryeelka caafimaadku ay aad uga badanyihiin awoodda kaabeyaasha jira.

Iyada oo aan xuseyno Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Adduunka oo halkudhigeenuna yahay “Dhanka Bini’aadamnimada”, ayey sawirradani muujinayaan qaar ka mid ah adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee SRCS Soomaaliya oo dhan.

Waa gabar! Kalkaaliso ayaa heysa Naciima Cabdisalaan, oo ah ilma yar oo ku dhashay xarunta Raadeer ee Muqdisho. Xaruntu waxay ka mid tahay 25-ta xarumoodee 24-ka saas shaqeeya oo ay maamusho SRCS Soomaaliya. In ka badan 26,500 oo caruur ah ayaa sanadkii hore ku dhalatay xarumaha SRCS. @SRCS/Maxamed Bishaar

 

Kalkaaliso ayaa cabireysa uurka Maleela Muuse si ay ula socoto koritaanka uurjiifka. Kumanaan dumar uu leh ah ayaa hela adeegyada dhalmada ka hor, oo ay ku jiraan macluumaadka difaaca jirka, iyo baaritaano bille ah si looga caawiyo la socdka caafimaadka hooyada iyo ilmaha. @SRCS/Maxamed Bishaar

 

24 xarumood, waxaa jira shabakad ku dhow 100 dumar ah oo ka shaqeeya caafimaadka bulshada oo bixiya macluumaad muhiim ah oo ku saabsan nafaqada habboon, dhaqamada naasnuujinta, iyo daryeelka ilmaha dhashay. @SRCS/Maxamed Bishaar

 

Haweeney umuleysa ayaa aambalaas lagu keenay xarunta iyada oo ay umulisooyin la socdaan. Umulisooyinkan ayaa dumarka siiya talo taageero niyadeed.
“Waxaan ku jirnaa heegan 24/7, qaar badan ayaa nooga yimaada meelo fog-fog– gaar ahaan xeryaha barakacayaasha.” Sacdiya Nuur, oo ah umuliso joogta Xarunta Raadeer. @SRCS/Maxamed Bishaar

 

44 ka mid ah 79-ka xarumood ayaa qabta adeegyada daweynta bukaan socodka kuwaa oo gacan ka geysta ka hortagga nafaqo-xumida. Taageerada nafaqo ayaa la siiyaa bukaanada hooyooyinkuna waxay helaan mushaari nafaqeysan, cuntooyinka sida gaarka ah loo diyaariyay sida mushaarida ku habboon dhallaanka iyo ilmaha yar yar. Xarumaha ayaa sidoo kale xaaladaha adag u gudbiya xarumaha xasilinta bukaanada oo ay ku jirto mid ay ICRC maamusho oo ku taala Isbitaalka Guud ee Kismaayo. @ICRC/Cabdikariim Maxamed

 

Daaqadda farmashiye ee mid ka mid ah xarumaha SRCS. Bukaanadu waxay sidoo kale xarumahan ka helaan dawo bilaash ah. ICRC waxay 26 xarumood ku taageertaa dawooyin, mushaarka shaqaalaha, kharashaadka korontada iyo tabarrada shaqaalaha caafimaadka. @SRCS/Maxamed Bishaar

 

19 ayaa ah kuwa guur guura iyaga u kala gudba tuulo ka tuulo iyaga oo bixinaya adeegyada daryeel caafimaad. @ICRC/Cabdikariim Maxamed