Dhisidda Dhaqan Ixtiraamaya Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada (IHL): Caqabadaha iyo Rajada
Qarniga 21-aad ayaa lagu arkay koror dhaqamada wanaagsan ah oo ku aadan kor u qaadista IHL. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqda ayaa ah, in hirgalinta IHL iyo u hogaansanaantiisa aysan wali ku filneyn; iyadoo xitaa marka IHL la dhaqangaliyo, ujeedadiisa ilaalinta la iska indhatiraa.
Xilli ka go’naashaha siyaasadeed ee u hogaansanaanta IHL ay tahay mid aan cadeyn, ayaa nuucyada xadgudubyadu waxay wadaan in ay sababaan dhibaatooyin bini’aadamnimo oo baaxad leh, burbur, iyo baahiyaha bini’aadamnimo ee aan la daboolin. Iyada oo in loo hogaansamo IHL ay ku xirantahay dhhinacyada qeybta ka ah colaadaha hubeysan, ayey hadana lama huraan tahay in la dhiirigaliyo dhaqan ixtiraamaya mabaadi’diisa.

QORMO
Ka dood caqabadaha ugu waaweyn ee ku aadan hirgalinta IHL adiga tibaaxaya istaraajiyadaha la adeegsan karo si dhinacyada colaadda hubeysan dhexdooda looga abuuro dhaqan ixtiraamaya IHL. Jawaabtaada dhexdeeda, ka fikir doorka aqbalaadda maamullada ee IHL, doorka shuruucda maxalliga ah, barashada iyo fahamka IHL, diblomaasiyadda iyo taageeridda kor u qaadista u hogaansanaanta IHL.

TILMAAMAHA
• Tartanku waxa uu u furanyahay dhammaan ardeyda heerka koowaad ee jaamacadaha Bariga Afrika.
• Qoraalladu waa in ay kumbuyuutar ku qornaadaan, oo si wanaagsan tixraaca loogu sameeyo loona qaabeeyo, sidoo kalena la xusaa buugaagtii laga soo xigtay.
• Qoraalladu waa in aysan ka badnaanin 4000 oo eray (oo ay ku jiraan qoraallada beyjajka hoos looga qoro oo aysan ku jirin buugaagta wax laga soo xigto).
• Qoraal kasta oo lagu helo in la khiyaanay waa laga reebi doonaa tartanka.
• Qoraalka iyo nuqul aqoonsiga ardeyga ah waa in lagu soo diraa xafiiska Ergo Goboleed ICRC ee Nairobi ugu danbeyn 15-ka Juun 2025 iyada oo la adeegsanayo. Email-ka nai_IHLmailbox@icrc.org
• Soo dirista wixii xilligaa ka danbeeya lama aqbali doono.

Guuleystaha tartanka ayaa waxa uu heli doonaa abaaalmarin lacageed. Waxaa kale oo abaalmarin heli doona dadka gala kaalmaha 2aad iyo 3aad, iyo sidoo kale qoraalka ugu wanaagsanaada dal kasta oo aan matalaad ku laheyn 3-da qoraal ugu sarreeya. * intaa waxaa dheer, qormada guuleysata ayaa u sharraxnaan in lagu daaboco bogga ICRC ee Xeerka Bini’aadamnimada iyo siyaasadda iyada oo la raacayonidaamka daabacaadda.