Muqdisho (ICRC) – Dhowr gobol oo Soomaaliya ah ayaa wajahay koror aad u daran oo xagga dagaallada ah, iyada oo ay isbitaallada ku dhow furumaha ay hadda dagaaalladu ka socdaan la harjadayaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyiha cirka isku shareeray. Sadexda bil ee sanadka ugu horreysa, Guddiga Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada (ICRC) waxa uu 20 isbitaal oo dalka oo dhan ah gaarsiiyay agabka caafimaadka deg-degga ah si loogu daweeyo bukaano tiro badan oo qaba dhaawacyo hub la xiriira. Caasimadda Muqdisho,isbitaalka Madina oo ay ICRC taageerto ayaa qaabilay 203 bukaan oo qaba dhaawacyada hubka- arintan oo ka dhigan koror dhan 26% marka loo barbardhigo rubucii u danbeeyay sanadkii hore.
“Waxaan tan iyo bilowgii sanadka aragnay koror baaxad leh oo ah bukaanada qaba dhaawacyada hubka oo lagu daweeyay xarumaha caafimaadka ee aan taageerno, innaga oo sidoo kalena koror dhanka codsiyada taageerada deg-degga ahna ka helanay isbitaallo kale,” ayuu yiri Antoine Grand, madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya. “Waxaan ka walaacsanahay xaaladda, iyada oo ay nolosha dadka rayidka ah halis ku jirto, waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqeynaa in ay ixtiraamaan waajibaadkooda ku xusan sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada.”
Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, colaadaha ayaa si weyn u kordhay tan iyo bisha Maarso 2025, iyaga oo sababay mowjado barakac ah halka dad badan oo rayid ahna ay waxyeelo ka soo gaartay. Sidaas oo kale, howlgallada milatari ee gobolka Bari ee Puntland ayaa galay bishii afaraad halka iska-horimaadyo joogto ah ay ka dhacaan gobollada Sool iyo Sanaag.
Kororka xoogan ee dagaallada ayaa ku qasbay 100,000 oo Soomaali ah in ay guryahooda ka qaxaan, taa oo cadaadis dheeri ah saartay hantida bini’aadamnimo ee sii yaraaneysa. Kororkan qalalaasaha hubeysan ayaa imanaya xilli xasaasi ah, iyada oo abaarta muuqata iyo yaraanta lacagaha bini’aadamnimo ay sii fogeynayaan dhibaatada oo ay sidoo kalena tirtirayaan farsamooyinkii ay malaayiin qof noloshooda ku maareyn lahaayeen.
Iyada oo laga jawaabayo xaaladda sii xumaaneysa, ayaa ICRC-da iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay diyaariyeen kooxaha xaaladaha deg-degga ah iyo qalab si loo taageero bulshooyinka ay dhibaatadu gaartay.
Intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maarso 2025, ICRC waxay:
- Bixisay qalab caafimaad oo ay ku jiraan agab qaliin oo gaar ah iyo qalabka dhaymada oo la gaarsiiyay 20 isbitaal oo dalka oo dhan ah si loogu daweeyo bukaanada dhaawacyada colaadda la xiriira ee tirada badan.
- Sii waday taageerada isbitaallada ay SRCS maamusho ee Madina iyo Keysaney oo Muqdisho ku yaala, iyo isbitaalka Guud ee Kismaayo, iyada oo 353 oo ah bukaano qaba dhaawacyo hub la qaabilay tan iyo bilowgii sanadka.
- Sii waday taageerada 3 xarun aambalaas oo ay SRCS maamusho oo ku yaala Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laas Caanood
- Sii waday taageerada 26 xarun caafimaad oo ay SRCS maamusho oo ku teedsan furumaha
- Gacan ka geysatay in la gaarsiiyo gargaarka deg-degga ah loona sameeyo daadgureyn caafimaad 433 dhaawac ah/bukaan iyada loo marayo kooxaha gargaarka deg-degga ee SRCS oo dalka oo dhan ah
- Bixisay in ka badan 200 oo ah bacaha meydka iyo agab kale sidii si xurmo leh loogu maareyn lahaa meydk. Iyada oo kaashaneysa SRCS, ayey howlaheeda ka sii wadatay meelaha ay colaaddu sida daran u saameysay qeybaha kaalmada deg-degga ah ee barakacayaash, wax-soo saarka beeraha, biyaha, dhaqancelinta jirka, ka caawinta qoysaska sidii ay dib ula xiriiri lahaayeen kuwii ay jeclaayeen, wadahadal qarsoodi ah oo ku saabsan xurmeynta IHL iyo booqashoonka xabsiyada.
Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:
Rahime Adan, ICRC, tel: +254 705 410 641, email radanissack@icrc.org
Alyona Synenko, ICRC, tel: +254 716 897 265, email: asynenko@icrc.org
or visit our website: www.icrc.org
To preview and download the latest ICRC video footage in broadcast quality, go to
To find out what the ICRC is doing in Somalia, go to
https://blogs.icrc.org/somalia/
Follow the ICRC in Somalia on instagram.com/icrc_somalia and twitter.com/ICRC_Africa