Muqdisho (ICRC) – Jaamacadda Muqdisho ayaa ku guuleysatay Tartanka Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada Soomaaliya (IHL) ee sanadkan, iyada oo muteysatay in ay Soomaaliya ku matasho Tartanka All Afrika oo Nairobi, Kenya, ka dhici doona bishan Nofeembar. Ardeyda mataleysay Jaamacadda Muqdisho ayaa kaga guuleysatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed tartanka kamadanbeysta oo si dhow loogu baratamay, iyaga oo garsooreyaasha ku soo jiitay doodahooda ku aadan kiis khayaali ah oo lagu tijaabiyay aqoonta ay u leeyihiin IHL-ka. Koox ayaa soo bandhigtay kiiska dacwada xeer-ilaalinta, halka kooxda kalena ay doodooda soo bandhigeen.

 

“Waxaan si aan daal laheyn u shaqeyneynay muddo laba bilood ah annaga oo isku diyaarineyna tartankan. Runtii mararka qaar aad ayey u adkeyd, laakiin ugu danbeyn, waan guuleysanay, farxadeydana lama soo koobi karo,” ayey tiri Samira Yusuf Adam, oo ah arday mataleysay Jaamacadda Muqdisho.

Iyada oo uu soo agaasimay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa tartanka sanadkan waxaa lagu casuumay lix jaamacadood oo ka kala socda Soomaaliya oo dhan si ay u soo gudbiyaan tusaaleyaal ku saabsan dacwad iyo difaac qoraal ah, iyada oo labada kooxood ee ugu sarreeya ay u gudbayaan si ay kiiskooda oo hadal ah uga soo hor bandhigaan guddi garsooreyaal ah. Dhacdadan, oo ah middii sadexaad oo nooceeda ah oo lagu qabto Soomaaliya, ayaa ujeedkeedu yahay in lagu dhiirigaliyo ardeyda in ay si baaxad leh ula fal-galaan IHL-ka iyo in ay ballaariyaan fahamkooda sharciyada maamula colaadda hubeysan. Waxaa xusid mudan, in sanadkan lagu asteeyay markii ugu horeysay ee dhacdada si toos ah loo qabto.

“Waa arrin aad u wanaagsan in aan dhacdadan si toos ah u qabano sandkan, waxaana rajo weyn ka qabnaa Jaamacadda Muqdisho iyaga oo isku diyaarinaya Tartanka All Africa,” ayey tiri Katherine Weir, La taliyaha dhanka Sharciga ee ICRC ahna mid ka mid ah garsooreyaasha dhacdada.

“Tani waa dhacdo guul u ah ICRC iyo saaxiibadeena akadeemiyadda. Waxa ayna ku saabsantahay in xiiso dhanka IHL-ka ah lagu beero sharci-yaqaannada mustaqbalka Soomaaliya iyo in la dhiso bulsho sharci oo baraarugsan sidoo kalena ka duulaya qiyamka bini’aadamnimo,” ayuu intaa ku daray Samer Jarjouhi, oo ah Madaxa Barnaamijyada iyo Ka hortagga ee ICRC-da Soomaaliya.

Dhacdada sanadkan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa sanadguuradii 75aad ee ka soo wareegtay Axdiyada Janeefa, kuwaa oo ka dhigan aasaaska IHL-ka casriga ah oo ay Soomaaliya saxiixayaasheeda ka mid noqotay sanadkii 1962. ICRC-du waxa ay Soomaaliya joogtay ilaa sanadkii 1977, iyada oo taageereysa dhibaneyaasha colaadda hubeysan, oo ay badanaa u dheeryihiin musiibooyinka dabiiciga ah.

Wixii macluumaad dheeri ah, la xiriir fadlan:

Abdikarim Mohamed, ICRC Nairobi, + 254 770 171 756 (English & Somali)

Fadumo Ali Jama, ICRC Mogadishu, +252 611 006 330 (English & Somali)

Email somaliablog@icrc.org or visit our website: www.icrc.org

Si aad u eegto oo aad ula soo dagto muuqalladii ugu danbeeyay ee ICRC oo tayada baahunta leh, booqo www.icrcvideonewsroom.org