Waddooyinka buuqa badan ee Muqdisho, halkaa oo colaadda hubeysan iyo daganaasho la’aantu ay ka mid yihiin xaqiiqooyinka murugada leh ee ka jira nolosha, Cabdifataax Nuur Axmed ayaa waxa uu la daalaadhacayay culeys qiiro leh oo socday muddo 15 sano ah. Sandkii 2009-ka, intii uu socday mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa oo ay ku dhinteen boqolaal qof halka ay kumnaan kalena ku qasbanaadeen in ay caasimadda ka qaxaan, Cabdifataax waxa ay kala lumeen walaalkiis Cali. Sanadihii xigay, waxay ku asteysnaayeen hubanti la’aan iyo rajo xumo.

Ka dib, bisha Luulyo ee sanadkan, sheekada Cabdifataax waxa ay yeelatay waji kale oo yaab leh. Iyada oo loo marayo Ururka bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), oo gudaha dalka looga yaqaano Bisha Cas iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), Cabdifataax waxa uu ka war helay halka uu walaalkiis ku suganyahay. Ugudanbeyntii, soo af-meeriddii mudada dheer la sugayay ayaa la gaaray. Farxadda dib-u-lamidoobidda Cali waxaa dhaawacay xanuunka ah in ay ogyihiin in aabahood uusan goob-joog ka noqon doonin dib u midoobiddooda, isaga geeriyooday sanadkii 2020-ka.

Sida uu  Cabdifataax sida dareenka leh ugu cabiray, “muddo sanado ah, ayaan Facebook-ga kaa raadiyay kumana guuleysan. Waxaan Alle uga mahad celinayaa in uu dib isugu kaaya soo celiyay sanado ka dib. Alxamdulillaah.” Sheekooyinka dib-u- midoobiddu inta badan waxay isugu jiraan qaraar iyo macaan– qeyb adiga kaa mid ahi waxay ku faraxsantahay in uu kuu soo noqday qof aad jeceshahay, halka qeyb kalena ay ka murugooneyso maqnaanshaha kuwa aadka ugu farxilahaa dib-u- midoobidda.

Shaqaale ICRC ka tirsan oo ka caawinaya raadinta qof maqan

Sheekadani waxa ay ka tarjumeysaa xaqiiqo ballaaran oo qoysas badan ay la kulmaan Soomaaliya oo dhan, iyo meelo ka baxsan. Colaadda hubeysan, musiibooyinka, iyo tahriibka ayaa wali kadhiga kumanaan qof in la waayo ama la aqoonsan waayo. Tirada colaadaha hubeysan ayaa laba jibaarmay qaaradda Afrika ilaa horaantii sanadihii 2000, iyada oo Soomaliya kaliya laga soo tabiyay ku dhawaad 10,000 oo kiis oo ah dad la la’yahay ah sanadihii u danbeeyay. Tiro koobyadani waxa ay daaha ka qaadayaan nabarrada qotoda dheer ee aan muuqan oo ay dagaalladu ku reebaan qoysaska, bulshooyinka, iyo quruumaha oo dhan. Sheekada Cabdifataax iyo Cali waxa ay ina xasuusineysaa dhibaatada joogtada ah oo ay colaaddu dadka u geysato, iyo saameynta baaxadda leh ee helitaanka—iyada oo ay wax walbaahi caqabad ku yihiin—wadada soo af-meeridda.