Maanta waxay ku aadantahay Maalinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Adduunka, oo ah munaasabad lagu maamuuso dadaallada Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ay ugu jiraan yareynta dhibaatada aadanaha iyo kor u qaadista qiyamka bini’aadamnimada.

Mowduuca sanadkan ee Maalinta Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ee Adduunka ayaa ah “Ilaalinta Bini’aadamnimada,” taa oo ka dhigan xusuusin dareen leh ee u heelanaanta joogtada ah ee Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee ilaalinta sharafta Bini’aadamka, yareynta dhibaatada, iyo gargaar -u-fidinta dadka wajahaya duruufaha colaadeed ee aadka u daran, gaar ahaan meelaha fog fog iyo meelaha aanan la gaari karin.

Somaaliya, ICRC-da oo uu wehliyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa taageera sadex xarumood oo dhaqan celinta jirka ah oo ku yaala magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Hargeysa. Xarumuhu waxa ay door muhiim ah ka cayaaraan bixinta adeegyada dhaqan celinta jirka ee aasaasiga ah, agabka macmalka ah iyo kuwa toosinta xubnaha, iyo daryeelka gaarka ah ee dadka naafada ah, oo ay ku jiraan dadka ay xubnuhu ka maqanyihiin, dhaawacyada, iyo xaaladaha caga-qallooca.

Yasmin Bashir, oo ah dhaqtarka fiisotarbiyada ee an SRCS, ayaa ku caawineysa Caasho Axmed oo todobo jir ah in ay socoto iyada oo adeegsaneysa biraha lagu socdo si loo hagaajiyo dhaqdhaqaaqeeda. Caasho waxay qabtaa (cerebral palsy), oo ah cudur badanaa caruurta ku haleela umusha oo saameeya dhaqdhaqaaqa jirka iyo isku-xirka. Caasho hooyadeed ayaa si joogto ah u keenta xarunta dhaqan celinta jirka ee Ururka Bisha ee Soomaaliyeed eek u yaala Muqdisho si ay u hesho daweynta fiisotarbiyada oo ay aad ugu baahantahay. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Daqiiqad farxad leh ayaa dhexmareysa Ruweydha Maxamuud iyo dhaqtarkeeda fiisotarbiyada intii lagu jiray kulan dhaqan celin jireed ah oo ka dhacay xarunta SRCS ee Muqdisho. Waxay gacan qaadeysaa kalkaalisada iyada oo hooyadeedna, oo ah Qamar Cali ay eegeyso. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Aamina Faarax, oo ah madaxa waaxda lafaha, ayaa ku caawineysa Maxamuud Cabdisalaam oo 20 jir ah xirashada xubin macmal ah. Aamina waxay bilowday u shaqeynta xarunta dhaqan celinta jirka ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed sandkii 2013. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Cabdulqaadir Axmed Sheekh,oo ka ah kaaliye fiisotarbiyo xarunta dhaqan celinta jirka ee Muqdisho ayaa jimicsi jireed u sameynaya Mucaad Xuseen oo 11 jir ah, kaa oo xusulka midig ka jabay. Mucaad waxaa xarunta keenay aabihiis Maxamed Huseen si loo daweeyo. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Seynab Huseen Cabdulle, oo 55 jir ah, isla markaana lugtu ka go’antahay jilibka ka kor, oo dhawaanahan loo xiray adin macmal ah, ayaa qaadeysa tallaabooyinkeedii ugu horreeyay iyada oo ku soconeysa biraha dhexdooda. Farsamo yaqaanka adinka macmalka ah ayaa Seynab ku caawinaya in ay lugta dhulka dhigto si ay ula qabsato isku dheelitirka adinka cusub. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

SRCS ayaa maamusha sadexda xarumood ee dhaqan celinta jirka ee ku yaala Soomaaliya, Muqdisho, Gaalkacyo iyo Hargeysa. Xarunta ayaa ku caawisa dadka naafada ah in ay dib-u-helaan dhaqdhaqaaqooda si ay markale bulshada uga dhex muuqdaan ugana qeyb qaataan howlaha bulshada. Sanadkii hore, dhammaan sadexda xarumood ayaa fuliyay 38,540 kulamo fiiso-tarbiyo ah, iyaga oo bixiyay 650 qeybaha jirka oo macmal ah iyo 2,028 qalabka xubnaha jirka kaalmeeya ah. Intaa waxaa dheer, 1,878 qalabka socodka kaalmeeya iyo biraha naafada, 369 kuraasta naafada iyo aaladaha lagu toosiyo qaab-dhismeedka jirka, iyo 84 qalab kale oo kal duwan ayaa la bixiyay. ©ICRC/Abdikarim Mohamed