Nairobi (ICRC) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa bilaabaya raashin gaarsiinta xabsiyada Soomaaliya bisha Ramadaan. Afarta toddobaad ee soo socota, ICRC waxay qorsheynaysaa in ay maxaabiista ku nool Soomaaliya oo dhan u qaybiso timir, hilib ari, bariis, digir, caano iyo caleen shaah. Iyadoo la kaashanaysa mas’uuliyiinta, ICRC-du waxay toddobaad kasta alaabta gaarsiin doontaa ilaa toban xabsi oo lagu hayo kumannaan qof oo xorriyadda laga qaaday oo ay ICRC-du si joogto ah u booqato.

“Cunto bixinta inta lagu jiro bisha Ramadaan ayaa caado u noqotay ICRC-da Soomaaliya waxayna qayb ka tahay dadaallada aan ku hubinayno in maxaabiista ay helaan daryeel bini’aadamnimo oo sharaf leh,” ayuu yiri Pascal Cuttat, madaxa ICRC-da Soomaaliya. “Anaga tani waxay noo tahay xushmad ku aadan muhiimadda bisha barakeysan ee Ramadaan ay u leedahay maxaabiista, qoysaskooda, iyo bulshada Soomaaliyeedba.”

ICRC-du waxay si joogto ah u booqataa meelaha xabsiyada Soomaaliya oo dhan. Si loo hubiyo in maxaabiista loola dhaqmo si bini’aadamnimo leh iyo xaaladaha nololeedba waxay la shaqeysaa mas’uuliyiinta xabsiga.

Booqashada maxaabiistu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada ICRC ee Adduunka oo dhan. Ururku waxa uu hiigsanayaa in uu hubiyo in si bini’aadamnimo leh loola dhaqmo dhammaan maxaabiista, iyada oo aan loo eegayn sababaha loo soo xiray oo ay xabsiga ugu jiraan. Waxa uu sidoo kale ku  dadaalayaa in uu hubiyo in maxaabiistu ay sii joogtayn karaan xiriirka ay la leeyihiin qoysaskooda iyo in xaaladaha xabsiga ay yihiin kuwo ixtiraamaya sharaftooda.

 

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi, ICRC Nairobi, +254 770 171756 (English & Somali), mabdikarim@icrc.org

Anisa Xuseen, ICRC Nairobi, +254 708 797 750 (English & Somali), anisah@icrc.org

Alyona Synenko, ICRC Nairobi, +254 716 897 265 (English & French), asynenko@icrc.org

ama booqo bologeena Soomaalida: www.blogs.icrc.org/Somalia

Si aad u aragto oo u soo degsato muuqaalka ugu dambeeya ee ICRC oo  baahin tayo leh ah , tag

www.icrcnewsroom.org

 ICRC kala soco twitter.com/ICRC_Africa iyo instagram.com/icrc_somalia