Nairobi (ICRC) – Boqolaal kun oo qof ayaa barakacay todobaadyadii la soo dhaafay iyada oo ay fatahaaduhu wali wadaan in ay waxyeeleeyaan magaalooyin ku yaala Soomaaliya. Daraasiin dad ah ayaa waxaa horay u soo badbaadiyay kooxaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) balse baahida ayey u badantahay in ay sii kororto maadaama ay roobab badani di’ido onaan.

Magaalada Beledweyne, wabiga Shabeelle ayaa magaalada ku fatahay, taasi oo ku qasabtay qoysaska in ay u guuraan dhul sare. Jubaland, oo ah oo ka mid dhinaca koofureed ee dalka, ku dhawaad 100,000 oo qof ayaa ayaa qaxay iyaga oo raadinaya meel ay ku badbaadaan ka dib markii ay fathaaduhu ka burburiyeen guryihii, meelihii ay biyaha ka cabayeen sida ceelasha, iyo musqulaha.

“Fatahaadaha ayaa go’doomiyay dad fara badan, iyada oo ay kooxaheenu badbaadiyeen dhowr qof oo klae oo maciin biday laamaha geedo dhaadheer,” ayuu yiri Cabdi Cabdullaahi, oo ah isku xiraha laanta SRCS oo kormeeraya dadaallada dadka lagu samatabixinayo ee doonta loo adeegsanayo ee ka socda magaalada Beledweyne.

Kooxaha SRCS ayaa soo helay sadex qof oo meyd ah maalmihii la soo dhaafay. Kooxaha ku sugan Doolow iyo Luuq ayaa sidoo kale bixinaya wicitaano taleefoon oo bilaash ah si loogu caawiyo qoysaska ay dhibaatadu gaartay si ay ula xiriiraan dadkii ay jeclaayeen.

Iyada oo la saadaalinayo khataraha gaar ahaan fatahaadaha xoogan ee la xiriira Elnino sanadkan, ayey Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo SRCS waxa ay bixinayeen tobanaan kun oo jawaannada carrada ah iyaga oo sidoo kalena hubiyay ku dhawaad 100 ceel arintan oo qeyb ka ah u diyaargarowga xaaladaha deg-degga ah.

“Saameynta ay dhacdooyinka cimillada aad u darani ku leeyihiin bulshooyinka ay hab-nololeedkooda mar horeba colaadu saameysay waa mid qalbi jab leh. Deegaannada waxaa buuxiyay biyo wasakh ah halka ay guryihii dadka gabbaadka u ahaa ay burbureen, iyada oo ay dumarkii iyo ay caruurtii ay banaan joogaan,” ayuu yiri Pascal Cuttat, oo ah madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya.

“Dadka ku dhaqan gobolkan ayaa waxa ay soo mareen in ka badan sodon sano oo colaad hubeysan ah waxayna hadda ka soo kabanayeen abaar daba dheeraatay. Mar kale, waxaan aragnaa sida ay u xuntahay saameynta isbiirsatay ee colaadda hubeysaniyo dhibaatooyinka cimillada.”

ICRC-da iyo SRCS ayaa ku sii diyaariyay qeybo kala duwan oo dalka ah 49,000 oo ah qalabka nadaafadda, oo ay ku jireen kaniiniga daweynta biyaha, saabuun, suufka nadaafadda, baaldiyada, jirggnada iyo mar-kaneecooyin. Gaarsiinta bulshada ay dhibaatadu gaartay ayaa bilaaban doonta marka ugu horreysa oo ay suurogal noqoto.

Wixii faaahfaahin ah, fadlan la xiriir:

Abdikarim Mohamed, ICRC, tel: +254 770 171 756, email mabdikarim@icrc.org

Abulkadir Haji Ibrahim, SRCS , tel: +254 722 940 297, email: caafi63@hotmail.com

Florian Seriex, ICRC, tel: +254 110 938 077, email: fseriex@icrc.org

Ama booqo website-ka: www.icrc.org

 

Si aad u aragto ood ula soo dagto muuqaaladii ugu danbeeyay ee ICRC iyaga oo ah tayada sii deynta, booqo

www.icrcvideonewsroom.org

Si aad u ogaato waxa ay ay ICRC qabato si ay u joojiso weerarada ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada, booqo

www.healthcareindanger.org

kala soco ICRC  facebook.com/icrc and twitter.com/icrc