Waddooyinka mashquulka badan ee Muqdisho, waxaa ku yaala machad lagu barto farsamada gacanta oo loogu talagalay in ay ardaydu ku bartaan xirfado dhowr ah oo ay ku dhisayaan xirfadooda shaqo. Xaruntan ayaa caan ku ah koorsooyinka farayaamada, fuundinimada, iyo tubiistenimada, iyada oo ay ardaydu ka imaadeen barakacayaasha sii kordhaya iyo bulshooyinka martigaliyay ee magaalada.
Machadka waxaa maamula koox tababareyaal ah oo u heellan sidii dhalinyarada loo siin lahaa aqoonta iyo khibradda shaqo ay u baahanyihiin si ay u abuurtaan mustaqbal wanaagsan. Ardayda ka qeyb qaadaneysa waxaa ka mid ah Ibraahim Xasan, oo ah arday barta farayaamada oo ay hiwaayadiisu tahay sameynta kuraasta iyo miisaska.
“Koorsada farayaamada waxay i siisay hal-abuurka iyo aqoonta aan ku naqshadeyn karo miisas, kuraas, iyo armaajooyin. Aqoontan, waxaan ku furan karaa tukaan ii gaar ah oo aan ku taageero baahiyaha qoyskeyga,” ayuu yiri.
Isugeyn 100 arday oo ka kala socda farayaamada, fuundinimada, tubiistenimada, iyo koorsooyin ganacsi ayaa hadda lagu xoojiyay xirfado, iyaga oo noqday kooxdii ugu horreysay ee ka qalin jabisa barnaamijka sanadkan.
In ka badan 30 sano oo colaado ah iyo saameynta ka sii dareysa ee isbadalka cimillada ayaa ka dhigay in barakaca Soomaaliya uu gaaro heerkii ugu sarreeyay. Colaadda daba dheeraatay ee ka jirta dalka ayaa dadka ka hor istaagtay in ay helaan tababar shaqo, waxa ayna qalqal galiyeen nidaamkii bulshada ee soojireenka ahaa oo ay dadku ku baran jireen xirfadaha. Shaqada Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxaa ka mid ah in uu taageero sookabashada qoysaska ay dhibaatadu gaartay si ay u awoodaan in ay iskood isutaagaan. Sanadkan, isugeyn 100 arday ayaa loo kafaalo qaaday tababarka shaqada magaalada Muqdisho.
Cabdirisaaq Ibraahim, oo ka mid ah tababareyaasha machadka Tababarka Farsamada ee Muqdisho oo dhigaya fasal lagu barto farayaamada. Waa farayaamo khibrad leh, wuxuuna wax baridda bilaabay 8 sano ka hor. “Ardaydeydii hore waxa ay hadda noqdeen farayaamo xirfadleyaal ah iyaga oo hadda lacag ku shaqeysta xirfadooda,” ayuu yiri.©Abdikarim Mohamed
Si loo taageero sookabashada, ICRC-du waxa ay ka shaqeyneysaa macaahidda farsamada gacanta si loo xoojiyo xirfadna loo siiyo ardeyda ka imaneysa qoysaska ay colaaddu saameysay. Tan aayaa fursad u siineysa in ay bartaan xirfado cusub oo u horseedi kara shaqo ama in ay bilaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin si ay u maareeyaan baahidooda.©Abdikarim Mohamed
Arday fuundinimada ka barata Machadka Tababarka farsamada gacanta ee Muqdisho oo rinjiyeynaya darbi taas oo qeyb ah layli waxqabad muuqda. Manhajka tababarku waxa uu isugu jiraa xiisado aragti ah iyo kuwo waxqabad muuqda ah si ardeyda loo siiyo khibrad waxqabad gacanta ah.©Abdikarim Mohamed
“Farayaamadu waa hiwaayadeyda iyada oo uu adeegsiga hal-abuurka sida loo sameeyo kuraasta iyo miisaska ay aad u xiiso badantahay,” ayuu yiri Ibraahim Xasan. Waxa uu ka mid yahay 25 arday oo barata farayaamada oo barnaamijkan lagu taageeray.©Abdikarim Mohamed
ICRC-du waxa ay sidoo kale la shaqeysaa Machadka Tababarka Farsamada Soomaaliya (SOTI), oo ah machad ardeyda siiya xirfadda farsamada gacanta iyo shaqada. 25 arday, oo ay ICRC-du kafaalo qaaday, ayaa machadka ka qalin jabiyay bishii Luulyo ee sanadkan.©Abdikarim Mohamed
Arday jooga Machadka SOTI oo ka shaqeynaya tubo biyo. Koorsada tubiistenimada iyo rakibaadda waa mid ka mid koorsooyinka loogu jecelyahay ee uu machadku bixiyo. Ardayda waxaa la baraa sida loo rakibo oo loo dayactiro tubooyinka biyaha iyo qalabka kale.©Abdikarim Mohamed