Nairobi (ICRC) – Guddiga Caalamiga ah ee laanqaryta cas ayaa fududeeyay siidaynta laba maxaabiis ah oo laga sii daayay Laascaanood lana geeyay Hargaysa, howshan oo loo sameeyay sababo bani`aadanimo awgood.

Iyada oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), ayey ICRC-du abaabushay daabulaadda maxxaabiista ee Garowe, iyada oo ka dibna loo sii duuliyaya Hargeysa iyada oo la isticmaalayo diyaarad ay leedahay Laanqeyrta Cas. Howshan maanta la qabtay ayaa ka dhigan in labada qof ee dhaawaca ah ay heli doonaan daweyn caafimaad oo ku filan.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan fududaynay siidayta maxaabiista si dhexdhexaanimo ah” sidaa waxaa yiri Samer Jarjouhi, oo kormeera  barnaamijyada  Laanqayrta Cas ee  Soomaaliya oo laftiisu qeyb ka ahaa duulimaadka.

“Dadka dhaawaca ah ayaa heli doona daaweyn iyo in ay la jiraan eheladooda. Waxaan rajeynaynaa in aan sii wadi doono howshaan si loo helo is-aaminaad u dhaxaysa Laanqayrta Cas, Somaliland iyo Khaatumo”

Kala wareejinta ayaa imaneysa xilli ay Laanqayrta Cas booqatay maxaabiista labada dhinac ee colaadda. 31-da Agoosto 2023, maxaabiis ku sugan  Laascaanood ayaa waxaa booqday koox ka tirsan Laanqayrta Cas, halka 4-ta sebteembar-na koox kale oo ka socotay Laanqayrta Cas ay booqatay Xabsiga Dhexe ee Hargaysa.

Ka dib markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Sool feberaayo sanaadkaan, ayey Laanqayrta cas ee Caalamiga ah waxay ugu deeqday qalabka qaliinka lix(6) isbitaal oo deegaanka ku yaal iyo xirmooyinka dhaawacyada loo isticmaalo oo ay gaarsiisay kooxda aambalaasyada ee Bisha Cas ee magaalada Laascaano gudaheeda ka shaqeeynayay. Guddiga Caalamiga ha ee Laanqeyrta Cas ayaa sidoo kale barakacayaasha ku caawiyay lacago iyadoo si firfircoon uga shaqeesay in ay dib u xiriiraan qoosaska ku kala lumay Dagaalka.

Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir:

Abdikarim Mohamed, ICRC Somalia, tell:  +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org

Anisa Hussein, ICRC Somalia, tell: +254 708 797 750, anisah@icrc.org

Follow the ICRC on instagram.com/icrc_somalia/  and twitter.com/icrc