Jenefa (MSF/ICRC) – Isbedelka cimilladu ma aha khatar fog. Waxay durba si weyn u saameysay dadka nugul ee adduunka oo dhan. Gaar ahaan, cimillada isbedbedesha ayaa cawaaqib xun ku yeelanaysa dadka la nool xaaladaha colaadaha iyo kuwa aan helin daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.

Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF), Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC), iyo Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas  iyo Bisha Cas waxay si dhow ula shaqeynayaan bulshooyinka ku nool dalalka ay isgu darsantay  is-bedelka cimillada, colaadaha hubaysan, iyo xaaladaha degdega ah ee caafimaadka  ayaa ah xaqiiqo murugo leh. 25-ka dal ee ugu nugul isbedelka cimillada uguna yar tahay in ay la qabsadaan ayaa badi waxa ay sidoo kale la kulmaan colaadaha hubeysan. In badan oo ka mid ah goobahan, dadku ma helaan daryeelka caafimaadka  aasaasiga ah. Marka dhibaatooyinka  cimilladu ka dhacaan dalalka ay ka jirto cunno iyo biyo yari, iyo ilo dhaqaale oo kooban ayaa waxaa khatar galaya nolosha dadka, caafimaadka iyo hab-nololeedka.

Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay la soo darsay abaaro iyo daadad aan la saadaalin karin, taas oo uga sii dartay xaaladda bani’aadamnimo oo aad u liidatay oo ay sii cakirneyd soddon sano oo colaado hubeysan ah. Dadku waxay haystaan ​​waqti xaddidan oo ay kula qabsadaan sababta oo ah dhibaatooyinka waa kuwo  soo noqnoqda oo aad u daran.

Samafaleyaal ahaan, waxa dareen  na galiyey  xaqiiqda hadda jirta iyo odoroska mustaqbalka. Waxaan aragnaa abaaro, daadad, cayayaan farabadan iyo isbedellada roobabka kuwaas oo dhammaantood khatar gelin kara wax-soo-saarka cuntada iyo habka ay dadku u badbaadaan. Waxaan aragnaa dhacdooyin cimilo oo aad u daran oo ka xoog badan sida duufaanno burburiya kaabayaasha caafimaadka ee muhiimka ah. Waxaan aragnaa isbedellada cudurrada dilaaga ah sida malaariyada (duumada), caabuqa dengue iyo daacuunka. Colaadaha iyo rabshaduhu waxay kordhiyaan baahida loo qabo gargaar caafimaad oo degdeg ah iyagoo sidoo kale xaddidaya awoodda xarumaha caafimaadka.

Xaaladahan oo dhan waxay ka dhacayaan adduun  diiramaadkiisu gaaray 1.2 darajo oo ka sarreysa heerarkii xilligii warshadaha ka hor, iyada oo aan markhaati ka nahay sida ay kuwa ugu nugul adduunku ay halis ka soo gaarayso dhibaato si  xad dhaaf ah u sababaan dalalka ugu qanisan adduunka. Diirimaadka dheeraadka ah waxa uu horseedi doonaa cawaaqib xun haddii aan si degdeg ah oo go’aan adag leh loo qaadin tillaabooyin lagu dhimi karo iyo in taageero ku filan loo abaabulo dadka iyo wadamada sida aadka ah u saamaysay si ay ula qabsadaan khataraha cimillada sii kordhaya.

“Maanta, baahiyaha ayaa durbaba ka sarreeya jawaabta. Tani waa qalalaase loo midoobo, waxayna hadda fursad u siinaysaa qalalaase kala sooca xumaan  iyo samaan. Dunidu taageero la’aan kama tagi karto kuwa la kulma cawaaqib xumada ugu daran,” ayuu yiri Stephen Cornish, Agaasimaha Guud ee MSF Swiserland.

Taageerada maaliyadeed iyo mid farsamo waa in ay gaarto dadka aadka ugu baahan kuwaas oo aan u dhaceynin heerkii loo baahnaa. Ballanqaadkii Heshiiskii Paris ee ahaa in la kordhiyo taageerada dalalka ugu yara horumarsan  ayaa ku guul daraystay in ay garowsadaan in tiro badan oo iyaga ka mid ah ay sidoo kale saameeyeen colaadaha oo ay tahay in mudnaanta la siiyo. Ilaa hadda, ballan-qaadyada lama fulin si loo dhimo qiiqa kaarboonka iyo taageerada dalalka ay la kulmaan saameynta ugu weyn.

Waxaan aragnaa saamaynta is biirsatay ee khataraha cimillada sii kordhaya iyo colaadaha hubaysan  laga soo bilaabo  Afgaanistaan ​​ilaa Soomaaliya, Maali ilaa Yaman. Shaqadayada meelahan waxay dadka ku caawisaa in ay si wax ku ool ah ula macaamilaan dhibaatada cimillada. Laakiin hawl-wadeennada ku hawlan arrimaha bani’adamnimada kama jawaabi karaan kaligood caqabadaha faraha badan. Haddii dalalka aadka u jilicsan loo helin taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo go’aan adag leh, dhibaatadu waa ka sii dari doontaa,” ayuu yiri Robert Mardini, agaasimaha guud ee ICRC.

Waxaan ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha adduunka in ay ka soo baxaan ballanqaadkooda  heshiiskii Baariis iyo Ajendaha 2030 iyo in la hubiyo in dadka nugul iyo dadka ay colaaduhu saameeyeen si ku filan loo taageero si ay ula qabsadaan cimillada isbed-beddeleysa. Waa in aan si wadajir ah xal ugu helno oo aan hubinno helitaanka dhaqaale loogu talagalay cimilada  oo ku filan oo looga hortago bii’ada. In dadka laga tago ma ahan ikhtiyaar.