Noocyada cuntada Xabsiga Dhexe ee Mandheera waa la cusboonaysiiyay si loogu daro isbinaajka, beet roots, daba-case, kaabaj, ansalaatada iyo dhir kale sida coriander oo ay sabab u tahay beerta cagaaran oo barwaaqada ah. Beertu waxa ay ku  taalaa gudaha xarunta  waxayna ka kooban  tahay dhul banaan oo beero ah iyo aqalka dedan ee dhirta lagu beero oo casri ah (greenhouse) kaas oo wax ku biiriya wax soo saarka khudradda sida tamaandhadada oo u baahan xaalado heer-kulkoodu la xakameeyey si ay u koraan.

Si loo dhammaystiro cuntada maxaabiista fikradda beerta waxay ka timid Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo maamulka xabsiga sanadkii 2020. Maxaabiista ayaa hawlaha dhul diyaarinta ka shaqaynayey, dadaalkooduna wuxuu keenay wax soo saar cusub oo lagu daray cuntadooda.

Beerta ayaa sidoo kale fursad u siisay maxaabiista si ay u bartaan xirfado cusub.

“Waan ku raaxeystaa ka shaqaynta beerta waxayna i gelisaa farxad ah in aan barto wax cusub.” ayuu yiri Maxamed Cali* oo ah maxbuus ka shaqeeya beerta.

Ayada oo loo maraayo shaqo- ku- tababaris afar maxbuus ayaa loo xilsaaray in ay maamulaan beerta oo hab jadwal kaltan ah si ay ugu daraan maxaabiista kale marka ay bartaan xirfadda.

“Waxaan la soconaa nidaamka cunto qeybinta iyo habka cuntada loo keeno gudaha xabsiga innaga oo hubina in ay tahay cunto habboon iyo in ay ku filan tahay maxaabiista ku jirta xabsiga. Waxaa kale oo aanu hubinaa habka kaydinta iyo sida cuntada loo diyaariyey si aanu u aragno in ay waafaqsan tahay tilmaamaha ICRC iyo heerarka caalamiga ah ee la aqbalay.” ayay tiri Eunice Isimwe, nafaqo-yaqaan ka tirsan ICRC-da Soomaaliya.

Sanadkan ICRC waxay xabsiga Mandheera booqatay lix jeer, waxayna maamulka kala shaqeysaa sidii xal dhexe iyo mid fogba looga hagaajin lahaa xaaladaha xabsiga iyo la macaamilka maxaabiista.

Xabsiga dhexe ee Mandheera waxa uu leeyahay beer ay ku yaalaan isbinaaj caleen weyn leh iyo khudrad kale sida kaabajka, tamaandhada, ansalaatada iyo daba-case. Khudradan ayaa qayb ka ah cuntada ay cunaan maxaabiistu. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Eunice Isimwe oo ah nafaqo-yaqaan ka tirsan ICRC ayaa waxay akhriyeysa wareegga cududda dhexe ee gacanta maxbuus (MUAC). Midabka ku yaal liilanka ayaa tilmaamaya heerka nafaqada maxbuuska. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Maxbuus jar-jaraya kaabaj laga soo gooyay beerta khudradda iyadoo diyaarinta qadada ay socoto. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Aqalka dedan oo dhirta lagu beero (green house) ayaa loo dhisay in lagu tabco khudrad koritaankeedu u baahan xaalado la xakameeyey. Tamaandhada lagu beeray xaaladaha la xakameeyey ee aqalka dedan ayaa cabbir ahaan, qaab ahaan iyo midab ahaanba ah kuwo isku mid ah, waxayna adkeysi wanaagsan u leeyihiin cudurrada marka loo eego tamaandhada beerta ka baxda ee u nugul xaaladaha cimilada adag. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Ibrokhim Merzakhmedov, ergayga dhowridda ee ICRC ayaa wuxuu cabbirayaa dhererka maxbuus intii lagu guda jiray sahanka cabbirka cufnaanta jirka taas oo qayb ka ah sahan nafaqeed si joogto ah loo sameeyo. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Maxaabiista ayaa haysta waqti loo qoondeeyay madadaalada iyo hawlaha waxbarashada taas oo kor u qaadaysa niyadooda sarena u qaadaysa xirfadahooda wax-akhriska. ICRC-du waxay bixisaa waxyaalaha lagu ciyaaro sida dumnada, turubka, buugaagta maktabadda iyo kubbadaha cagta. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Maxbuus ayaa diyaarinaya cajiin diyaar u ah in la geliyo foornada. ICRC ayaa waxay u dhistay jiko cusub oo casri ah kuna dhex dhisan foorno loogu talagalay maxaabiista ku xiran xabsiga Mandheera. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

Xabsiga Mandheera waxa uu leeyahay kalkaaliye caafimaad oo sameeya la-talin iyo baadhitaan caafimaad oo uu ku sameeyo maxaabiista cusub. © ICRC/ Anisa Hussein.

 

* ma aha magacooda dhabta ah