Dadka degan Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, helitaanka adeegga daryeelka caafimaadka aad ayuu ugu fududaaday. Wac 383 waxaana kuu jawaabi doona adeegga aambalaasta ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS). Waxa adeegga ka soocaya adeegyada kale ee aambalaasta ayaa ah  in  Bisha Cas, oo ah magaca ay SRCS-tu ku caanbaxday luqadda maxalliga ah, ay adeegga si bilaash ah ku bixiso.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan adeegga gaarsiino Gaalkacyo, oo ah meel ay ka dhaceen in ku filan oo ah colaado qabiil iyo dhibaatooyin kale.” ayuu yiri madaxweynaha SRCS-ta president Yuusuf Xasan Maxamed.

“Waxa aan rajeneynaa in arintani ay dadka u dhaweyn doonto gargaarka caafimaad ay u baahanyihiin.”

Adeegga ayaa shaqeeya 24 saac maalintii, todobada maalin ee todobaadka, waxaan taageera Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyada oo qeyb ka ah barnaamijka gargaarka Deg-degga ah iyo daryeelka isbitaalka ka hor ee Soomaaliya. Adeegga aambalaasta deg-degga ah ayaa markii ugu horreysay laga bilaabay magaalada Muqdisho sanadkii hore iyada oo lagu bilaabay xarun aambalaasyada laga diro iyo dhowr gaari oo aambalaasyo ah iyo mootooyin. Kooxda aambalaasyada Gaalkacyo waxa ay ka koobanyihiin xafiiska aambalaasyada laga diro waxa uuna leeyahay, shan qof oo ka shaqeeya iyo sideed mutadawiiciin ah haddii loo baahdo.

“Kooxda Gaalkacyo waa la tababaray iyaga oo mar horeba ka jawaabaya wicitaanada deg-degga ah ee soo dhaca. Bishan ayaan hawada si toos ah u galnay innaga oo helna 20 wicitaan maalintii celcelis ahaan.“ ayuu yiri  Sandrine Richli oo mas’uul uga ah ICRC-da barnaamijka Somaaliya.

Inkasta oo aysan kooxdu ballaarneyn marka loo bar-bardhigo Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya, hogaamiyaha kooxda Gaalkacyo, Maryam Maxamuud, waxa ay kalsooni ka muujineysaa awoodda ay kooxdeedu u leedahay in ay goobahaas dadka ku nool u adeegaan iyo suurtagalnimada in mustaqbalka howsha la kordhiyo.

“Waxaan rabaa in aan u sheego dadka ku nool gobolkan, haddaan nahay kooxda adeegyada xaaladaha deg-degga ah ee SRCS-ta, waxa aan diyaar u nahay in aan adeegga bixino. Waxaana khadka ku jira qof kuu jawaabaya 24 saac maalintii. Lambarka xaaladda deg-degga ah waa 383 waad na soo wicikartaa goor kasta.” Ayey tiri Maryam Maxamuud.

Xafiiska kooxda aambalaasta Gaalkacyo waxa uu ku yaalaa laanta magaalada ee SRCS-ta waxa uuna u dhowyahay xarunta caafimaadka bulshada iyo xarunta dhaqacelinta jireed.