Soomaaliya waa dalka ugu daran dalalka wajahaya abaarta hadda ka taagan Geeska Afrika. Xaaladdu waa mid walwal leh, weyna ka sii dareysaa. Dadka ayaa si weyn uga dhaqaaqaya guryahooda iyaga oo raadinaya biyo iyo cunto. Dalagyadii wey baaqdeen, heerka biyaha ayaa hoos u dhacay, xoolihiina way dhammaadeen.

Bilowgii Maarso 2022, in ka badan 670,000 qof ayaa ku barakacay abaarta. Gobollada ay abaartu sida ugu daran u saameysay ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay sidoo kale dhibbaato kala kulmayaan colaadda dabada dheeraatay ee wali taagan iyo rabshadaha, iyada oo aysan howlwadeenada gargaarku wali gaari karin.

 “Gaajo daran ayaa ka jirta meesha aan ka imid. Dadku wey gaajoonayaan. Roob ma jiro. Waan soo baxnay innaga oo raadineyna kaalmo caafimaad laakiin gaajo uun baa jirta,” ayey tiri Faadumo Cali Maxamed, oo ka soo barakacday gurigeeda oo ku yaalla Jamaame.

Kooxaha ICRC-da ee jooga goobaha ay abaartu saameysay ayaa goob joog ka noqday xaalado murugo leh. Waxa ay arkayaan dad ka dhaqaaqaya tuulooyinkoodii iyaga oo sidoo kalena maqlaya warbixino ku saabsan dumar iyo caruur jidadka ku dhimanaya. Maalinba maalinta ka danbeysa ayey xeryaha ku la kulmaan dadka gudaha ku barakacay, iyaga oo xiran isla dharkii ay horay u xirnaayeen, oo urursanaya wax walba oo ay heli karaan si ay u cunaan rajenayana in ay ku badbaadaan: “waxa aan ka soo lugeeyay Digwariir, aniga soo socday muddo laba maalmood ah si aan u soo gaaro Janaale oo ka tirsan Shaeellada hoose. Halkaas, ayaa la iga soo qaaday iyada oo Muqdisho la i keenay, xerada barakayaasha Samareey ee Dayniile. Hadda, oo aan halkan joogo, wali caruurteyda u ma hayo hooy sax ah, cunto iyo dhar. Mar mar ayaa dariska xerada meelaha u dhow deggan cunto inoo keenaan”, ayey tiri Xamdi Yare Xuseen, oo ah hooyo 25 jir agoonleey ah oo 4 caruur ah heysata.

 ICRC-du waxa ay bilowday hirgalinta tallaabada ka jawaabidda deg-degga ah ee abaaraha, iyada oo diiradda saareysa goobaha ay colaaduhu saameeyeen, oo ay adagtahay in la gaaro. “iyada oo ay wali adagtahay in la gaaro meelaha qaar, ayey kooxaheenu qiimeynayaan baahida jirta, iyaga diiwaangalinaya ka faa’iideystayaasha sidoo kalena ka qeybinaya kaalmo lacageed dhammaan degmooyinka mudnaanta gaarka ah la siinayo ee ku yaalla Koofurta, Bartamaha, Muqdisho iyo Waqooyiga Soomaaliya. Baaritaanka dhanka nafaqada ah ayaa la xoojiyay iyadoo dhowr ceel oo si de-deg ah loo hagaajinayo ay ka socoto goobo ka mid ah meelaha mudnaanta gaarka ah oo kala duwan, iyada oo la gaaray in ka badan 68,000 oo ka faa’iideysteyaal ah,” ayuu yiri Juerg  Eglin, oo ah madaxa ergada ICRC-da Soomalia, waxa uuna intaa ku daray: “Waxa aan ka warqabnaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha la xiriira colaadaha si buuxda ayaan u qiimeyn doonaa dhammaantood, innaga oo ku dadaali doona baahiyaha dadka ay colaaddu saameysay waqtiga iyo qaabka ugu habboon.”

Iyada oo abaartu wali sababeyso barakac lagana yaabo in ay sii xumeyso colaadaha hadda jira oo sidoo kalena uga sii darto nuglaanshaha, ICRC-du waxa ay sii wadi doontaa xoojinta jawaab celinta dhanka ilaalinta, oo ay ku jiraan dadaallada dib-loogu mideynayo qoysaskii ku kala irdhoobay Soomaaliya iyada oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, oo dalka oo dhan laamo ku leh.

ICRC-du waxa ay si tartiib tartiib ah u kordhineysaa jawaab celinteeda dhowr marxaladood, innaga oo ka bilaabeyna meelaha aan gaari karno bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen. Haddii la helo kaalmo miisaaniyad oo dheeri ah, waxa aan qorsheyneynaa in aan ballaarino kaalmada aan gaarsiineyno dadka ku jira xaaladda aadka u adag una baahan caawimaad deg-deg ah oo dheeraad ah.

Halkan kala dag warar maqal iyo muuqaal ah iyo sawirro

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah la xiriir:

Sanela Bajrambasic, Communication & Prevention Coordinator, +254 700 888 131, sbajrambasic@icrc.org

Kala soco ICRC-da:  instagram.com/icrc somalia iyo twitter.com/icrc