Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ku casuumay jaamacadaha Soomaaliya in ay ka qeybgalaan tartanka qormooyinka ee Xeerka Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (IHL) sanadkan. Sadex codsi ayaa la helay iyada oo mid ka mid ah codsadeyaasha, oo ahaa Mohamed Abdirazak Yusuf oo ka socday jaamacadda Simad ee Muqdisho loo xusahay in uu yahay qoraaga ugu wanaagsan dalka.

Xafiiska ICRC ee Muqdisho ayaa soo qabanqaabiyay munaasabadda guddoonsiinta shahaadada abaalmarinta halkaas oo Maxamed iyo hormuudka kuliyadda sharciga ee jaamacaddu ay xaadir ku ahaayeen. Helen Durham ayaa ka soo qeybgashay munaasabadda iyada oo shahaadada bixisay. Waxa ay sidoo kale kulan la yeelatay afar ka mid ah guddoomiyeyaasha jaamacadaha iyada oo kala hadashay habka ugu wanaagsan oo ay ICRC-da iyo jaamacadaha la casuumay iskaashi uga yeelan karaan sare u qaadidda IHL.

Mohamed abdirizak ayaa abaalmarin ka guddoomay Helen Durham Agaasimaha sharciga iyo siyaasadda caalamiga ah iyo Martin Arnloev, Agaasimaha Guud ee Laanqeyrta Cas ee Sweden.

 

Muddo labo sano ah, ICRC-du waxa ay fursad u siineysay ardeyda dhigata heerka koowaad ee jamaacadda ee dalka oo dhan in ay ka qeybgalaan Tartankanka sanadlaha ah ee Qormooyinka Xeerka Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada ee jaamacadaha Bariga Afrika oo u furan ardeyda heerka koowaad ee jaamacadaha gobolka. Sanadaha soo socda, ICRC-da Soomaaliya ayaa rajeyneysa in ay aqoon-isweydaarsiyo u qabato ardeyda iyo macalimiinta sharciga si loo siiyo tababarro qoto dheer oo ku saabsan IHL iyo sidii loo billaabi lahaa cilmi baaris iyo baris dheeri ah.

Maadaama ay tahay hey’ad bini’aadamnimo oo dhexdhexaad ah, madaxbanaan oo aan eexan, ICRC-du waxa ay ku dadaaleysaa in ay ka hortagto dhibaatada inta lagu jiro colaadda iyada oo kor u qaadeysa oo xoojineysa sharciga bani’aadamnimada. Jaamacadaha iyo aqoonyannadu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin kor u qaadista wacyiga iyo u hogaansanaanta ilaalinta muhiimka ah ee ku qoran xeerkan.