ALMANACH (oo ah shax loogu talo galay maareynta cudurrada caruurta ee aadka u daran) waa barnaamij elektiroonik ah oo loogu talo galay xirfadleyaasha caafimaadka, oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha, iyo shaqaalaha caafimaadka bulshada, oo laga heli karo taleefanada casriga ah iyo Taabletyada. Barnaamijkan ayaa ku caawinaya in ay raadsadaan oo ay dalbadaan xaaladaha iyo astaamaha caruurta, waxa ay keeneysaa baahida loo qabo in la sameeyo baaritaan jireed oo dhammeystiran iyo baaritaanno shey baar ah, in loo qoro daweynta ugu wax tarka badan iyo, sida ay xaaladdu noqon karto in canugga loo diro xarun kale oo caafimaad haddii aanan daweynta laga heli karin meesha. Qalabka waxaa sidoo kale laga heli karaa xog ku saabsan tas-hiilaadka caafimaadka ee laga heli karo deegaanka, sida dawooyinka, shaqaalaha caafimaadka iyo shey-baarka.

 

Somali

English