Somaaliya ayaa isku diyaarineysa mowjado cusub oo ah ayaxa lama dagaanka oo qatar ku haya dhul-beereedka, iyada oo qeybo ka mid ah wadanka ey la daalaa dhacayeen fatahaado iyo roob doofaan iyo dabeylo wata. Duullaankan cusub ee ayaxa lama dagaanka ayaa cabsi xooggan ku abuuraya bulshooyinka beeraleyda ah, isaga oo halis ku ah hab nololeedkooda isla markaana wax yeeleynaya wax soo saarka cuntada iy daqliga.

Iyaga oo sugayay xilliga goosashada beeraha, ayaa beeraleydu waxa ey ku dhaqaaqeen abuuridda kadibna ayaxa ayaa ka baabi’iyay dalagoodii, gaar ahaan Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

“Beeraha badankood magaalada Jowhar waxaa baabi’iyay fatahaado lixdii bilood ee ugu danbeysay. Biyaha ayaa fadhiya dhulka cid xaaladan wax ku beeri kartana ma jirto. Dhibaatada fatahaadaha waxaa inoo dheer, iyada oo uu ayuxu baabi’inayo qudaarta iyo miraha yar ee haray” sidaa waxaa yiri Yusuf Ahmed, oo ka mid ah beeraleyda ku dhaqan aagaas.

Ayaxa lama dagaanka ayaa ku kora cimillada qoyan taas oo u ogolaaneysa raxanta wali ugxaanta ah in ey dhammeystirmaan oo ayax noqdaan. Taranka ayaa hadda socda waxaana la filayaa in uu sababo in ey sameysmaan raxanno eyna sii socdaan ilaa dhammaadka sanadka. Bulshooyinka ayaa adeegsanayay habab dhaqameed sida dhagax tuur, qiic shidid iyo iyaga isku garaacaya digsida iyo suxuunta si ey isaga eryaan ayaxa.

Muna Xuseen oo 35 jir ah ayaa ku weysay labo ka mid ah beeraheedii fatahaadaha iyo ayaxaba. Ayaxa ayaa xaalufiyay dhul-beereedkeedii oo dhan oo ka koobnaa bariis, galley, masago, yaanyo, digir iyo sisin. Hadda iyadu waa shaaqo la’aan mana heysato daqli ey ku quudiso caruurteeda tobanka ah.

“Waligeyba beeraley ayaan ahaa. Wax kalena ma aqaanno, beeruhu waa nolosheyda. Xaaladdu runtii wey sii adkaaneysaa iyada oo waliba ayuxu cunayo dhammaan wixii aan tacbeynay oo aan qorsheyneynay in aan iibinno” ayey intaas ku dartay.

Fatahaadaha wabiga iyo kuwa roobabka ayaa waxaa dareemaya beeraleyda iyo dadka kale ee ku nool goboladaas. Kumanaan qof ayaa ku qasbanaaday in ey ka barakacaan guryahooda, taas oo sii kordhineysa u nuglaanshahooda cunto yarida, iyo sidoo kale helitaanka biyo nadiif ah iyo daryeelka caafimaad oo yaraaday.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa ku caawisay in ka badan 16,000 oo beeraley ah oo jooga Beledweyne, Kismaayo, Xudur, Wanlaweyn iyo Laasqoray deeq lacageed iyo deeq loogu talo galay soo kabashada beeraha si loogu caawiyo in ey dib cagahooda isugu taagaan. Qoysaska ey saameeyeen fathaaduhu ayaa lagu caawiyay bacaha roobka, marooyin kaneeco, maacuun, jirgaammo iyo iyo bustooyin.