Dhawaqa ka soo baxaya burris wax lagu garaacayo iyo qalab kale oo kala firirsan ayaa kugu soo dhaweynaya xarunta daweynta lafaha ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Muqdisho. Xarunta daweynta lafaha ayaa dhammeystirta adeegyada dhaqan-celineed ee ay xaruntu bixiso. Qaliinka ka dib, bukaannada u baahan xubin macmal ah, qalabka loogu talo galay in lagu caawiyo xubin dhaawac soo gaaray, biraha lagu socdo, iyo kursiga dadka lagu riixo, isla xaruntan ayaa lagu caawin karaa.

Dhaqaatiirta jir duugista oo ka socda xarunta ayaa talo siiya, sameeya kuna xira qalabka lafaha bukaannada ka cabanaya xanuunnada kala duwan iyo dhaawacyada.

“Xaaladeyda caafimaad wey soo fiicnaaneysaa. Xaaladeyda wax badan kama sheegi karo ka hor barnaamijka dhaqan-celinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, sababtoo ah markii hore waxaan ku socon jiray biro” sidaa waxaa yiri Maslah Mohamed oo ah mid ka mid ah bukaannadii lagu daryeelayay xarunta dhaqan-celinta.

Subaxnimadii 12ka Janaayo sanadkii 2009ka, Maslah noloshiisa ayaa is-badashay ka dib markii uu lugta kaga dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaa loo la cararay isbitaal Keysaneey si loo siiyo daryeel caafimaad oo deg-deg ah.

Ka dib markii uu xanuunsanaa muddo sanad ah, ayaa lugta laga gooyay isaga oo kaliya 11 jir ahaa. Waxa uu kala tashaday Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed taageerada uu heli karo. “waxaan helay lug macmal ah, la talin iyo taageero la xiriirta naafonimada. Waxaan aaminsanahay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed la’aantiis in aanan awoodi laheyn waxbarashada” ayuu intaa ku daray.

11 sano ka dib, Maslah wuu socon karaa waxbarashadiisiina wuu dhameystay isaga oo bartay cilmiga beeraha.

Xarunta dhaqan-celinta ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, oo la furay sanadkii 1982, waa tan ugu weyn sadexda xarumood ee hadda jira. Labada xarumood ee kale waxa ey ku yaalaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hargeysa. Xarunta ayaa sida caadiga ah waxaa yimaada 500 oo bukaan oo u baahan daweyn jir duugis bil kasta. Tirada ayaa hoos u dhacday iyda oo ey sababtay tallaabooyinka looga hortgayo Covid 19 sida in la kala fogaado.

“Dadka imanaya xarunta badankood waa dad ey xubno jirkooda ahi go’an yihiin, baralees ah, xaalado caga qallooc ama dad dhaawac xabadeed qaba” sidaa waxaa tiri Xaliimo Cabdulle oo ah dhaqtar jir duugis ahna maamulaha xarunta dhaqan-celinta ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo Muqdisho ku taalla.

Xaliima oo ka shaqeyneysay xarunta muddo 3o sano ah hadda, ayaa caawisa korna kala socota howlaha xarunta. Xarunta waxaa taageera Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Laanqeyrtan Cas ee Norway iyaga oo ku caawiya tababarrada jir duugista.

Sanadkan ku dhawaad 7,600 oo bukaan ah ayaa ka faa’iideystay adeegyada xarunta oo ka kooban 4,114 daweyn jir duugis ah, 1,489 gacmo iyo lugo macmal ah iyo sidoo kale qalabka lagu caawiyo xubnaha jirka ee dhaawacma, 1000 xabo oo ah qalabka xusulka lagu xiro, 126 kuraasta dadka lagu riixo ah, iyo dayactir guud oo loo sameeyay 630 xabo oo ah qalabka lafaha.