By Ahmed Al-Dawoody

Iyadoo colaado ka jiraan qaybo badan oo ka mid ah dunida Islaamka, xeerka Islaamka ee dagaalka wuxuu lama huraan u yahay ilaalinta rayidka. Laakiin ma la jaan qaadayaa xeerka caalamiga ee aadamnimada?

Colaadaha hubeysan waxay aadanahu u keenayaan dhibaato aad u badan, qofna ma fahmayo saameyntooda sida kuwa ku dhex jira. Wareyso waalid, cunug, afo, sayga ama walaal oo qofka ay jecelyihiin laga dilay, la waayay, xabsi lagu riday ama laga afduubay markaas waxaad dareemi kartaa qayb aad u yar ee qalbi-jabkooda.

Maahmaah Masri ah ayaa oraneysa: “Qof gacmaha dhiig kula jira la mid ma aha qof gacmaha biyo kula jira”.  Haddii si kale loo dhigo, heerka xanuunka iyo silica haaysta qof ay musiibo saameysay ma dareemi karo, mar marka qaarkoodna ma fahmi karo qof ay si toos ah musiibadaas u saameysay.  Isku dayga in la qabto wax kasta oo suurtagalka ah si loo badbaadiyo nolosha loona yareeyo dhibaatada ay sababeen iskahorimaadyada hubeysan ama masiibooyinka dabiiciga ah, waa muhiim haddii aan runtii rabno in aan ahaanno bani’aadan, iskaba daa in aan ku dhaqanno bini’aadannimada.

In ka badan labaatan sano ka dib oo aan qayb ka ahaa xarumaha waxbarashada, ayaan hadda waxaan ku hanweynahay in aan ka mid noqdo hay’ad bani’aadamnimo oo ka shaqayso arrimahaan, muddo aad u dheer. Xilliga isku dhaca hubeysan, ma ahan kaliya dagaal dhex maraya kuwa cadowga isku ah, Aadamnimadeenu sidoo kale waxay la dagaallameysaa galtinnimadeena.  Waa inaan u dagaalannaa insaannimada hab kasta oo la heli karo — qaab-dhismeed sharciyeed, caadooyin rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn, iyo dhaqammo iyo caadooyin maxalli ah. Waxaan sidoo kale u baahannahay inaan adeegsanno dhammaan agabyada suurtagalka ah, sida hab dhaqameed ama hal-abuur, sida waxbarashada, tababarka, aqoon isweydaarsiyada, kulamada iyo teknolojiyadda casriga ah. Haddaanan sidaa yeelin, silica bini-aadamka wuu kordhi doonaa galtinnimadeena-na way naga adkaan doonaa.

Haatan, saddex meelood labo meel howlgalada iyo miisaaniyadda Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ayaa diiradda lagu saaraa meelaha Muslimiinta ay ku nool yihiin. Markaa waa wax aan macquul ahayn in la filo in xeerka caalamiga ee aadamnimada iyo mabaadi’da saldhiga u ah shaqadeena la ixtiraamo haddii aan iska indhatirno doorka shareecada Islaamku ay ku leedahay saameynta dhaqanka kooxaha hubaysan ee aan dowliga aheyn ama ciidamada qalabka sida ee dowladda ah.

Marka laga reebo xaqiiqda ah in xeerka aadamnimada aan si ku filan loogu barin waxbarashada sharciga iyo waxbarashada aan sharciga ahayn, wali waxaa badanaa loo arkaa fikrad reer galbeed ah ama wax soo saar shisheeye. Laakiin khatarta ka jirta aragtida ah in xeerkaasi iyo mabaadii’daasi ay reer galbeed yihiin waa fikradda in ay yihiin wax shisheeye ah, aan la garanaynin ama in ay ka hor imaanayaan ilbaxnimada iyo dhaqamada aan reer galbeedka ahayn. Tani waxay xad u tahay hadafka laga leeyahay in xeerka aadamnimada laga dhigo mid caalami ah. Si uu si dhab ah u noqdo mid caalami waa in dhammaan dhaqamadu ay xiriir la yeeshaan mabaadii’diisa. Waa in la dhiirrigeliyo dareenka ka mid ahaanshada ujeedooyinkooda sharafta iyo wax ku oolka ah ee mabaadii’daasi leeyihiin.

Aqoonsashada mabaadii’da asaasiga ah ee xudunta u ah xeerka caalamiga ee aadamnimada ayaa u oggolaanaya in ay noqdaan kuwo calami ah, taasina waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta ixtiraamkooda.

Meelaha ay ICRCdu ka hawlgasho, waxay ka shaqeyneysaa inay muujiso qawaaniin dhaqameed la mid ah kuwa nidaamiya isticmaalka xoogga.

ICRCdu waxay koox arday sharciga barta ee Jaamacadda Koonfurta Baasifiga u xilsaartay inay baaraan dhaqamada dagaalka ee Baasifiga. Daraasaddooda, oo la daabacay 2009kii, waxay xaqiijisay in imaanshaha reer yurub ka hor ay jiri jireen dhowr dhaqamo oo xaddidayay dagaallada hubeysan oo ka dhici jiray Baasifiga. ICRCdu waxay sidoo kale dhaqamada maxalliga ee Indoniisiya iyo Soomaaliya ka heshay dhaqamo la mid ah. Ergada ICRC ee Jakaarta waxay horumarinaysaa barnaamij loo yaqaan ‘Mabaadii’da Aadamnimada’ halkaas oo 10 mabda’ xeerka caalamiga ah ay kaabeen nidaamyo iyo dhaqamo Indoniisiyaan ah oo ka soo jeeda diinta Islaamka, Buddhism, Hinduism iyo Masiixiyada. Laakiin annagoo ka shaqeynayna inaan ka dhigno mabaadi’da aadamnimada kuwa caalamka o dhan laga aqbalayo, waxaan u baahan nahay inaan is-barno oo aan dadka kale u sheegno in mabaadii’ noocaas ah ay muddo fog ka jireen waddamo kala duuwan.

Laga bilaabo sanadkii 624, ilaha sharciga Islaamiga ah iyo mas’uuliyiinta waxay bilaabeen in ay soo saaraan sharciyo lagu talagalay in lagu xakameeyo isticmaalka xoga xad dhaafka ah ee muslimiinta iyo in la yareeyo dhibaatada dadka ay saameeyeen dagaallada hubeysan.

Xeerarka dagaalka ee garsoorayaasha muslimiinta ee qarniyadii 7aad iyo 8aad soo saareen waxay wax ka qabanayaan caqabado iyo xadgudubyo oo xeerka aadamnimada kala kulmayo dagaallada hubaysan ee casriga ah. Laakiin waxaa sii muhiimsan, waana wax abaal marin leh, in la arko is-afgarad ka dhexeeya aqoonyahannada shareecada Islaamka iyo kooxaha muslimiinta hubaysan ee aan dowliga ahayn ee Indoniisiya, Filibiin, Nayjeriya, Nijer, Iran, Amman, Masar, Bosniya iyo Herzegovina iyo waddamo kale ee adduunka wixii ku saabsan is oggolaanshada guud ee dhex maraya xeerka caalamiga ee aadamnimada iyo sharciga Islaamka.

Xeerka aadannimada iyo sharciga Islaamka ayaa isku raacay ilaalinta dadka rayidka ah iyo hantidooda iyo kaabayaasha dhaqaalaha inta lagu guda-jiro dagaalka, ilaalinta hay’adaha gargaarka, mamnuucidda qaababka iyo hababka dagaalka aan kala sooca lahayn, la dhaqanka naxariis leh ee maxaabiista dagaalka, ilaalinta qaaska ah ee carruurta iyo maaraynta habboon dadka dhintay, iyo sidoo kale ilaalinta deegaanka.

Mabaadii’da aadamnimada waxay la kulmaan caqabado hawlgal farabadan oo la xiriira iskahorimaadyada hubaysan ee casriga ah ee ka jira dunida Islaamka. Xallinta caqabadahaan oo muujinaya sida mabaadii’da aadamnimada ah ay yihiin kuwo loogu wadaago dhaqammada kala duwan, iskuulada sharciga, dagaalka iyo taariikhda ayaa lagama maarmaan u ah nolosha iyo yareeynta dhibaatada. Waa qaab wax ku ool ah oo aan qaadannay si aan u ilaalino xitaa in yar aadamnimada wakhtiyada dagaallada hubeysan. Waa hannaan doonaya in la ilaaliyo ma aha oo keliya nolosha, laakiin sidoo kale sharafta aadanaha.

QORAA

Ahmed Al-Dawoody waa la taliyaha sharciga ee shareecada Islaamka iyo qaanuunka, ee Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas, wuxuuna khabiir ku yahay xeerka caalamiga ee aadamnimada. Sawirka: Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas.

Maqaalkaan waxaa markii hore lagu daabacay machadka siyaasada Istaraatiijiyadeed ee Austareeliya The Strategist.