Maanta oo ah Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Adduunka, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) wuxuu ku biiraayaa adduunka ee ka hortagga faafitaanka COVID-19 ee Wadanka. Mutadawiciinta Uuruka Bisha Cas (SRCS) oo tiradoodu aad u badan ayaa waxay waqtigooda u hureen sidii ay u caawin lahaayeen bulshooyinka  iyada oo loo marayo ololeyaal wacyigelin ah oo ku saabsan COVID-19, dhiirrigelinta caafimaadka iyo dhiirrigelinta fayo-dhowrka. Goobaha bartilmaameedka ugu muhiimsan ee Ururka Bisha Cas waxay yihiin xarumaha Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ee SRCS, bulshooyinka ku nool meelaha xarumaha SRCS u jirta 5km, isbitaallada, degaannada barakacayaasha iyo meelaha kale ee khatarta badan leh dalka oo dhan.

 

Mutadawiciin ka socda Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa lagu tababarey tallaabooyinka ka-hortagga COVID-19 iyo farriimaha si ay ugu gudbiyaan bulshooyinka ku nool dhammaan gobollada dalka. Tani waxaa la qabtay marxalad hore iyada oo rajo laga qabo in la yareeyo faafitaanka fayraska .©SRCS.

 

Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ayaa waxay qashinka ka nadiifinaayaan degaannada. Tani waa in la hubiyo in jidadka ay nadiif yihiin oo ay yihiin heerar nadaafadeed oo wanaagsan oo ka hortaga faafitaanka jeermiska. ©SRCS.

 

Iyada oo ay weheliso ICRC, Ururka Bisha Cas(SRCS) ayaa waxay ka taageertay howlaha kor u qaadida nadaafadda ee goobaha lagu hayo guud ahaan dalka. Hawlahan waxaa ka mid ah wacyigelin ku saabsan xeerarka nadaafadda aasaasiga ah ee COVID-19, iyo qaybinta agabyada nadaafadda sida saabuunnada. ©SRCS.

 

Ururka Bisha Cas wuxuu waxay qabatey fadhiyo dhiirrigelinta nadaafadda ah in kabadan 60,800 bulshooyinka ku nool agagaaraha xarumaha caafimaadka ee SRCS iyo xerooyinka barakaca. Saabuun, taangiyada biyaha, gasacadaha jiliinka, bacaha boodhka ah, dhalooyinka fayadhowrka iyo sanduuqyada dharka lagu duugo ayaa la qaybiyey si loo yareeyo halista COVID-19. ©Ismail Taxta.

 

Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas oo tababbaran ayaa loo abaabulay in ay guri ilaa guri bulshooyinka ku nool dhammaan gobollada ugu gudbiyaan farriimaha ka-hortagga COVID -19. ©Ismail Taxta.

 

Shaqaalaha Ururka Bisha Cas ayaa waxaa lagu tababaray sida dhismayaasha caafimaadka loogaga hortago caabuqa iyo sida loo xakameeyo. Waxay si joogto ah u bixiyaan una baraan bukaannada booqanaya xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada tallaabooyinka looga hortago caabuqa. ©SRCS.

 

Mutadawac ka socda magaalada Galkayo ayaa adeegsanaya samaacad si uu u sameeyo wacyigelin ku saabsan COVID-19 iyo sida looga hortagaba. Farriimaha ka-hortagga ah ee noocan oo kale waxaa lagu baahiyaa idaacadaha kuwaas oo xambaarsan farriimo muhiim ah oo ku saabsan gacmo-dhaqashada, fayo-dhowrka iyo kala fogaanshaha bulshada. ©SRCS.

 

Ka aqri faahfaahin dheeraad ah jawaabta SRCS ee Covid-19.