Sida dalal badan oo adduunka ka mid ah, Soomaaliya waxay si adag wax uga qabanaysaa dhibaatada COVID-19. Tirada caabuqyada la ogyahay ayaa si aad ah sare u kacaday toddobaadyadii la soo dhaafay. Xayiraado shacab oo muhiim ah ayaa waxaa xigay dalab ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka dilaaga ah. Bandow habeenkii ah ayaa ka dhaqan galay magaalooyinka  dadku ku badan yihiin iyadoo dadweynaha lagu dhiirigelinayo in ay raacaan tallaabooyinka ka hortagga ah sida kala fogaanshaha dadka iyo gacmo-dhaqashada. Xabsiyada, si kastaba ha ahaatee ayaa laga yaaba in laga il-duufo inta lagu guda jiro xiisadaha caafimaadka bulshada laakiin gaar ahaan waa ay u nugul yihiin, maadaama kala fogaansha dadka iyo fayo-dhowrka aasaasiga ah ay ku adag tahay in ay helaan maxaabiis badan sameyn karaan.

Shaqaalaha xabsiga waxay gacmahooda ku dhaqdaan albaabka laga galo Xabsiga Dhexe ee Baydhabo.©ICRC/ Feisal Mukhtar.

 

Buux-dhaaf, tas-hiilaadka nadaafadda oo la wadaago, fayo-dhowrka oo liita, hawo qaadasho xadidan iyo helidda meelo la wadaago oo ayaguna xadidan ayaa tusaale u ah qaab dhismeedka iyo arrimo abaabul ay u horseedi kara faafitaanka cudurradaArrimahan ayaa keenaya xaalado u fiican cudur markiisa horeba ahaa mid si aad ah u faafa, in uu kobcana waa haddii  mid ka mid ah maxaabiista  ama shaqaalaha xabsiga uu caabuqa ku dhaco. Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in dhowr goobood oo gacmo-dhaqashada ah lagu sameynaayo dhismayaasha xabsiyada ah. Maxaabiista iyo shaqaalaha ayaa sidoo kale lagu wargaliyay tallaabooyinka ay qaadi karaan si looga hortago faafitaanka COVID-19. Intaa waxaa u dheer, sahay loo adeegsado fayo-dhowrka sida oomada iyo saabuunta ayaa la siiyay waxayna wax badan ka tari doonaan hagaajinta guud ahaan ee nadaafadda dhismayaasha.

“Waxaan ka qayb qaatay aqoon-isweydaarsi ku saabsan fayo-dhowrka oo la xiriira dillaaca coronavirus. Waxaa nala tusay sida loo dhaqo gacmaheena. Hadda oo biyo iyo saabuun nala siiyay, gudaha waxaa ku sugan walaalahay waxaan tusi doonaa sida loo dhaqo gacmaheena marka la galaayo qolka,” ayuu yiri Cali Axmed oo ah maxbuus ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

U qaybin saabuun maxaabiista. ©ICRC/ Shukri Ahmed.

 

Agab nadaafadeed sida oomad iyo saabuun ayaa lagu bixiyay xabsiga dhexe ee Boosaaso si kor loogu qaado nadaafadda xarumaha.

Gudaha mid ka mid ah qolalka Xabsiga Dhexe ee Baydhabo. ©ICRC/ Feisal Mukhtar.

 

Qollaka ciriiriga ah ee xabsiyada  ayaa ka dhigaysa wax aan macquul aheyn in la dhaqan geliyo tallaabooyin sida tallaabooyinka kala fogaanshaha dadka. In kasta oo laga fogaanayo is taabashada jirka sida salaanta gacan- qaadka ah ayaa la dhiirrigelin karaa in aan la is gacan-qaadin, tilmaamaha ka hortagga ayaa waxay ku talinayaan in midba midka kale u jirsado hal mitir maadaama fayrasku ku faafayo qoyaan yar yar oo soo hindhisay qof cudurka qaba hawadana ku dhex socota . Haddii maxbuus xanuunsado, aad bay u adkaaneysa in la sameeyo keli  iskarantiil. Intaa waxaa sii dheer,bukaannada COVID-19 oo ku jira xabsi oo ay sii bataan waxay si dhakhso leh u harqin doonaan xarumaha daryeelka caafimaadka maxalliga ah, gaar ahaan meelaha miyiga ah.

Waardiye xabsiga Dhexe Muqdisho ayaa ku daboolaya sankiisa iyo afkiisa maro. ©ICRC/ Ismail Taxta.

 

Khatarta ugu weyn ee maxaabiistu waxay ka timaadaa dadka soo galaya iyo meelaha ka baxsan xabsiga. Xabsiyada badankood, gelitaanno cusub ayaa si joogto ah loo sameeyaa. Shaqaalaha xabsiga iyo dhammaan dadka  booqanaya oo galaya dhismaha waxay kordhin karaan halista COVID-19. Si loo yareeyo halista qaar ka mid ah xarumaha xabsiyada Soomaaliya ayaa durba joojiyay booqashooyinka qoysaska . ICRC waxay la shaqeysaa mas’uuliyiinta si loo hubiyo in maxaabiistu taleefan kula xiriiri karaan qoysaskooda inta lagu guda jiro uu jiro cudurka saf-marka ah.

Nafaqo-xumadu ma ahan wax aan caadi ka ahayn xarumaha xabsiyada Soomaaliya. ©ICRC/ Ismail Taxta

 

Dadka da’ kasta ah waa ku dhici kara coronavirus-ka cusub. Dadka da’da ah iyo dadka  xaalado caafimaad  horey u qabay waxay u muuqdaan in ay aad ugu nugul yihiin inay si xun ugu xanuunsadaan fayraska. Maxaabiista ayaa badanaa u nugul arrimaha caafimaadka, maxaabiista da’da ah, kuwa qaba cudurrada daba-dheeraada ama kuwa muddo badan nafaqo-xumo hayso.

Kala fogaanshaha bulshada oo ah tallaabo looga hortago faafitaanka coronavirus way adag tahay in laga hirgaliyo xabsiga. ©ICRC/ Ismail Taxta.

 

Sida uu dhigaayo Xeerka Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (IHL), maxaabiista caafimaadkooda iyo fayo-dhowrkooda waa in la ilaaliyaa, maxaabiista xanuunsan  waa in ay helaan daryeel caafimaad iyo ka warqab oo u baahan  xaaladdooda. Soo galootiga cusub waa in hadda laga baaro fayraska waana  in la kordhiyo tallaabooyinka fayo-dhowrka. Guud ahaan Soomaaliya,ICRC waxay hadda dhowr meelood oo xabsi ah ku taageereysaa  agabyada fayo-dhowrka aasaasiga ah iyo kulamo dhiirigelinta wacyiga fayo-dhowrka kuwaas oo ah dadaalo looga hortagaayo laguna xakameynaayo faafitaanka COVID-19.

Ka aqri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ICRC ay u taageereyso in ka badan 20 meelood oo xaabsi.