Tobaneeyo sano oo dagaallo iyo masiibooyin dabiici ah ayaa si weyn u saameeyeen u adkeysashada inta badan ee dadweynaha Soomaaliyeed. Si loo yareeyo saameynta xun ee dhibaatooyinkaas soo noqnoqoda iyo si dadweynaha ugu saameynta badan laga dhigo kuwa u adkeysiga badan iyo kuwa dhaqaale ahaan isla filan ayaa ICRCdu, iyadoo isticmaalayso waaxdeedam Sugnaanta Dhaqaalaha, sannado badan horumarinaysay barnaamij laba ujeeddo leh: In la hubiyo in dadka nugulka ah ay helaan cunto, xaalad nololeed iyo in la daboolo baahiyahooda kale ee aasaasiga ah. In dhaqaalaha dib loo soo nololeeyo iyada oo la taageerayo dib-u-soo kabashada hab nololeedka si loo xoojiyo adkeysiga dadweynaha sida daran u saameysan.

Somali

English