Isbitaalka Keysaney wuxuu xusayaa 28 sano oo uu si eex la’aan ah bixinaya adeegga qalliinka dhaawaca hubka iyo daryeelka caafimaadka degdeg ah oo loogu talagalay rayidka iyo dagaallamayaasha dhaawaca ah. Isbitaalka waxaa maamula Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo taageero ka heleya Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC). Sannad-guurada ayaa lagu xusay kulan ay ka soo qeybgaleen madax dhaqameed iyo culumaa’udiin, saraakiil ka socoda jaamacadaha maxalliga ah, dhakhaatiir iyo ganacsato ku sugan Muqdisho.

” Keysaney wuxuu u adeegayaa dhammaan bukaannada iyadoo aan loo eegayn qabiilkooda, diintooda ama ku xirnaanshahooda siyaasadeed. Adeegyada aan bixinno waxay muhiim u yihiin dadka reer Muqdisho.” ayuu yiri Dr. Axmed Maxamed oo ah agaasimaha isbitaalka Keysaney.

Dr. Tajir isagoo kahadlaya xaflada. ©SRCS

Markii isbitaalka la furay sanadkii 1992-kii ma lahayn qolalka qalliinka.  Dr.Axmed Maxamed wuxuu shaqo ka bilaabay isbitaalka Keysaney 1992 . Waa sanad ka dib burburka dawladda Siyaad Barre oo horseeday xilli dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya.

Tan iyo 1994-kii, isbitaalka waxaa maamula shaqaale ka tirsan Ururka Bisha Cas oo tababartay ICRC. ICRC waxay isbitaalka ka taageertaa tababarrada iyo gaarsiinta sahayda caafimaadka.

Keysaney waa mid ka mid ah labada isbitaal loo diro qaliinka oo Muqdisho ku yaala oo ay taageerto ICRC. Sanadkii 2019, isbitaalku wuxuu la talin caafimaad siiyay in ka badan 7,200 qof kuwaas oo 650 ahaayeen dad dhaawacyo hub leh. Isbitaalkaan 90-ka sariirood leh ayaa hadda bil kasta 140 bukaan qalliin loo sameyaa, in ka badan 25 oo ka mid ah bukaannadaas ayaa la il-daran dhaawacyo ka soo gaara hubka.  Keysaney hadda waa isbitaalka loo gudbiyo haweenka si laga daaweeyo isku-furanka, waana barnaamij taageero ka hela Laanqayrta Cas ee Norwey, Bisha Cas, iyo ICRC.

Si wax looga qabto rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka, bukaannada, iyo dhismaha caafimaadka, ICRC iyo SRCS waxay taageeraan qorshaha loo yaqaan Daryeel Caafimaad ee Haalis ku Jira (HCID), ujeedada laga leeyahayna ayaa ah in la hubiyo helitaan aamin ah iyo gaarsiinta daryeelka caafimaadka meelaha coladaha hubeysan iyo xaladaha kale ee degdegga ah. Waa muhiim in xeerka caalamiga ee aadamnimada (IHL), oo ilaaliya adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaadka sida isbitaalka Keysaney, la ixtiraamo mar kasta.

Farriimaha Daryeel Caafimaad ee Haalis ku Jira (HCID) oo darbiga isbitaalka saaran.©ICRC/Anisa Hussein Dahir

 

Fadlan akhri waridaheena caafimaadka wixii macluumaad dheeri ah.