Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) iyo ICRC waxay iska kaashadaan sidii loo gaarsiin lahaa xirfadaha gargaarka degdegga ah degaannada colaadu ay saameysay iyo sidoo kale bulshooyinka fog ee miyiga. Macluumaadka, agabyada looga shaqeeyo wax-qabadka iyo xirfadaha gargaarka degdegga ayaa waxaa la siiyaa xubnaha bulshada, mutadawiciinta iyo kuwa bixiya wax-qabadyada oo noqday wax-qabadkeena ugu muhiimsan.

Tan iyo markii la bilaabey (2016-kii), Cabdullaahi Aadan Cabdi, Muxidiin Aadan Mayow, Aadan Cali Aadan iyo Cabdisamad Xassan waxay qayb ka yihiin kooxda gargaarka degdegga iyagoo hoggaaminaaya kooxahooda oo dadka dhaawaca ah iyo kuwa buka u fidiya adeegyada gargaarka degdegg ah.

Wareysigan, waxay ka tarjumayaan waayo-aragnimadooda Hoggaamineed ee Kooxda Gargaarka Degdegga ee waddan ay dhibaateyeen colaado badan oo ugu sii darsantay dhacdooyinka cimilada sida abaaraha iyo daadadka.

S: Goormaad ku biirtay kooxda gargaarka degdegga iyo maxaa kugu dhaliyey in aad noqoto kuwa bixiya gargaarka ugu horeeya?
J: Dhammaanteen waxaan ku soo biirnay kooxaha gargaarka degdegga ah tan iyo markii la aasaasey 2016-kii. Dhammaanteen xiiso ayaan u qabnay in aan ka qayb qaadano gargaarka degdegga ah, gaar ahaan ka dib markii aan aragnay kaalinta bannaan ee ka jirtay Muqdisho marka ay timaado adeegyada gargaarka degdegga la gaarsiiyo dadka ku dhaawacmay qaraxyada, dagaallada iyo shilalka kale, iyo heerka ka -falcelinta ee waqtigaas jirtay.

S: ICRC waxay qabaneysay dhowr sano tababarka Gargaarka Degdegga ah. Faa’ido intee le’eg kuu lahaa tababarku marka ay timaaado fulinta waajibaadkaaaga ee gargaar bixiyaha ugu horeeya ah?
J: Tababarada gargaarka degdegga oo ay bixiso ICRC waxay yihiin kuwo wax tar badan leh. Waxaan khibrado badan ka helnay gaaridda nabdoon, amniga iyo maaraynta goobta iyo sidoo kale kala hormarinta dhibbanayaasha marka loo eego baaxadda dhaawacyadooda. Guud ahaan, waxaan helnay aqoon iyo waayo-aragnimo badan oo gargaarka degdegga ah.

S: Maxay yihiin caqabadaha qaarkood ee aad la kulantay ilaa iyo hadda, intii aad shaqada ku jirtay?
J: Waxaan la kulannay dhibaatooyin aad u badan xagga hawlaheena shaqada ah. Caqabadahaas qaarkood waxaa ka mid ah: rugaha baaritaanka ama jid gooyooyinka ay sameysteen xoogagga hubaysan oo dib u dhiga dhaqdhaqaaqeena magaalada gudaheeda, ambalaasyada oo nagu yar si aan ugu qaadno dhaawacyada, gaar ahaan marka ay jirto dhaawacyo farabadan; iyo dhibaatooyinka isgaarsiinta oo ay ka dhalatay tayada oo liidato ama la’aanta shabakado hareeraha hawlgalka ka socdo.

S: Waa maxay tallaabooyinka nabdoonaanta ah ee aad tixgeliso marka aad ku sugan tahay goobta shaqada? Tusaale ahaan marka aad wax u qabaneyso dadka ku dhaawacmay qarax ama meel dadku ku badan yahay?
J: Waxaan isku dayeynaa intii karaankeena ah sidii aan u xaqiijin laheyn in dadka meesha ku soo uruuray aan ku hayno fogaan 300 ilaa 400 mitir goobta wax ka dhaceen iyo in laga baarandego sidii si habboon loogu maareyn lahaa goobta wax ka dhaceen. Sidoo kale wada xiriirka saxda ah waa muhiim gaar ahaan marka aad maareyneysid koox inta lagu guda jiro wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah. Sida darteed, waa in ay jirto kala warqaadasho inta hawsha aan la bilaabin si la isugu dubarido daabulidda dadka dhaawacmay iyo kuwa buka iyo nooca gargaarka degdegga la siiyo dhibbanayaasha kala duwan.

Dhammaan laamaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxaa si joogto ah looga qabtaa tababarka gargaarka degdegga ee bulshada. ©SRCS/Mohamed Bishar

S: Marka laga jawaabayo xaaladaha degdegga ah, sidee u hubisaa in naftaada ka ilaaliso caabuqyada marka aad wax u qabaneyso bukaanka iyo kan dhaawacmayba?
J: Waxaan hubinaa in dhammaan xubnaha kooxda gargaarka degdegga ay haystaan qalabka ugu muhiimsan sida gacan-gashiyada, waji gashiga iyo kabaha buudka ah. Tani ayaa ah si anaga nafteena aan u qaadin caabuqa marka aad wax u qabaneyso kuwa buka iyo kuwa dhaawacmayba.

S: Waxaan hubaa in qaar ka mid ah muuqaallada ay kugu reebaan naxdin badan. Sidee ula tacaali kartaa? La talin ma raadsataa?
J: Haa, muuqaallada qaarkood haddii aysan dhammaantood waxay noqon karaan kuwo argagax leh. Laakiin, kala warqaadashada aan ka helno kormeeraheena ka hor inta aan bilaabin wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ayaa waxay nagu caawineysaa in aan ogaanno waxa aan filan karno. Waxaan maskaxda iyo fikirkaba ugu diyaar garownay waxa soo socda. Ka dib qaraxii dhimashada badnaa ee dhacay bishii Oktoobar 2017, ICRC waxay soo dirtay xeeldheere cilmi nafsi si u siiyo xubnaha gargaarka degdegga la talin.

S: Sidee bey u weyn tahay kooxda gargaarka degdegga Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed?
J: Kooxaha gargaarka degdegga waxay ku xadidan yihiin meelaha mudnaanta ugu leh oo ah Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laas Caanood. Kooxaha gargaarka degdeggu waxay bixiyaan wax ka qabashada gurmadka gargaarka degdegga ee ugu wax ku oolsan uguna hufan marka loo eego kuwa kale ee ambalaasyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala Soomaaliya. Ambalaasyada sida gaarka loo leeyahay keliya waxay sameeyaan daadgureyn laakiin ma bixiyaan daryeelka gargaarka degdegga ah oo ka duwan kooxda gargaarka degdegga Ururka Bisha Cas oo isla goobta ka bixiya adeegyada gargaarka degdegga ah waxayna u daadgureeyaan isbitaalka si u helaan daryeelka takhasuska ah.