2019-ka waxay ku beegan yahay sanadguurada 70-aad ee Axdiyada Jenefa  1949-kii. Axdiyada oo laf-dhabar u ah Xeerka Caalamiga ee Aadamnimada (IHL), ayaa ujeeddadiisu tahay in uu  xaddido dhibaatada dadka rayidka ah loo geysto inta lagu jiro colaadaha hubaysan iyo dib-u- soo celinta sharafta dhammaan kuwa aan  mar dambe ka qayb qaadan dagaalka.

“Laga bilaabo xaqiijinta qof dhaawac ah in uu ka soo gudbo bar kontrool, ama maxaabiista oo loo oggolaado in ay farriimo u diraan qoysaskooda ayaa waxay ilaaliyaan waxyaalaha aasaaska u ah bani’aadanimada inta lagu jiro dagaalka bartankiis. Inta lagu jiro xaaladahaan, waxaa cad in ay suurtagal tahay in ixtiraamka iyo in hirgelinta Xeerka Caalamiga ee Aadanimada (IHL) ay keenaan isbedel wax ku ool ah.

Isla markana xad-gudubyada IHL way sii socdaan waxayna  keenaan bur bur iyo cawaaqib xumo bani’aadamnimo aan la aqbali karin.”  (Waa khudbaddii Peter Maurer, Madaxweynaha ICRC ka jeediyay Jenefa 13-kii Maarso, 2019). Dadaallo joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo hubiyo dhowrida  dhibbanayaasha colaadaha hubaysan ee casriga ah ee hadda jira, iyo in Axdiyada Jenefa iyo Heshiisyadooda Dheeraadka ahi ay sii ahaadaan kuwo khuseeya.

Ma waxaad tahay arday aan weli ka qalin jebin mid ka mid ah jaamacadaha Soomaaliya? Tani waa fursad aad uga qayb qaadan karto Tartan Qoraal 17-aad  ee Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas oo loogu tala galay Jaamacadaha Bariga Afrika, iyada oo lagu xusaayo 70-ka sano ee ka soo wareegatay Axdiyada Jenefa.

Curiska waa in lagu soo gudbiya luqadda Ingiriiska ka hor 30-ka bisha Juunyo, 2019, ardayga/ ardayadda tartanka ku guuleysta/guuleysata waxaa la siin doonaa ballanqaad si uu uga qayb galo/gasho Tababarka Xeerka Caalamiga ee Aadamnimada oo lagu qaban doono Nairobi, Kenya bisha Setembar 2019, iyo abaal marin lacageed.