SRCS, 8-da Maajo, 2018 –  Munaasabada Maalinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Adduunka oo ku beegan maanta,Ururka Bisha Cas wuxu ka qeybqaadanayaa dabbaaldega caalamiga ah ee lagu weyneynayo howsha iyo geesinimada mutadawiciinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Adduunka iyo adeegyada kala duwan ee aadaminimo oo ay mutadawiciintu u fidiyaan bulshooyinka goob kasta oo ay joogaan.

“Mudawiciinteenu waxay ku dhex nool yihiin bulshada ay taageeraan oo ku nool tuulooyinka ugu yar uguna fog,” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas, Mudane Yusuf Xasan Maxamed.

“Maanta waa maalin ay isu yimaadaan Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Caalamiga ah si wadajir ahna ugu mahadceliyaan mutadawiciinteena oo waqtigooda iyo aqoontooda u hurey Soomaaliya iyo guud ahaan dunida oo dhan.”

Sanad kasta, Ururka Bisha Cas waxa uu adeegyo kala duwan oo ku saleysan baahida bulshada u fidiyaa in ka badan laba milyan qofood oo u badan haween iyo caruur. Adeegyadaasi isugu jira adeegyo caafimaad aasaasi ah ilaa iyo maareynta masiibooyinka. Ururku wuxu dadka ka caawiyaa in ay sameeyaan diyaargarow, wax qabasho iyo la tacaalid xaaladaha masiibooyinka.

Guud ahaan dunida oo dhan, sanad kasta Dhaqdhaqaaqa wuxu taageeraa malaayiin dad ah oo  ay waxyeeleeyeen colaadaha, masiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha kale ee deg deg ah, iyaadoo u sii marineysa shabakad ka kooban 14 milyan mutadawiciin ah iyo 450,000 shaqaale ah.

Mutadawiciinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waa kuwa u kala duwan sida adeegada naf badbaadineed uga bixiyaa 190 Jamciyad Qarameed, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Xiriirka Caalamiga ee  Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC). Dedaalladan maxaliga ah waxaa taageera Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC), Xiriirka Caalamiga ee  Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) iyo weliba Jamciyad Qarameedyada dunida ee iskaashiyada qeybta ka ah.

Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas, Mudane Yusuf Xasan Maxamed ayaa yiri “Dhib kasta oo ku heysta ha ahaadeen masiibooyin dabiici ah, dhibaatooyin caafimaad iyo saameynta colaadaha iyo rabshadaha, Bisha Cas waxay taagan tahay garabkaaga iyadoo adeegsaneysa shabakadeeda baahsan oo ka kooban 19 laamood iyo 130 laan-hoosaadyo ah.

Maalinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ayaa dunida looga dabaaldegaa 8da Meey. Waxana la qadariyaa geesinimada iyo dedaalka mutadawiciinta iyo shaqaalahaku baahsan adunida oo dhan.

Farriinta Guddoomiyha Ururka Bisha Cas (SRCS)