Sida dadka ay ku maahmaahdaan “marka ceelku uu qalalo ayey ogaanayan qiimaha uu ku fadhiyo biyaha”. Dadka Soomaaliyeed uma baahna in ay sugaan ilaa inta ay ka ogaanayaan in ceelgacmeedyadu ay qalaleen. Dal si aad ah ugu tiirsan beeraha iyo xoolaha, ku tiirsanaanta joogtada ah ee xilli roobaadka ayaa dhaqan ahaan calaaamad u ah qaddarka ku dhaca ragga Soomaaliyeed, haweenka iyo carruurta. Marka dhibaatooyinka cimilada ay saameyn ku yeelaan joogteynta iyo wareegga biyaha oo xilliyada ku xiran, nolosha ayaa si aan la baajin karin u saameysa: biyaha haddii uu aad u yaraado dalagyada way dhimanayaan, xoolahana in badan way la’anayaan; haddii biyaha uu ku badto waxaan arki doonnaa waxyaabo badan oo isku mid ah. Dhaqan ahaan Soomaalidu waxay u suurto gashay in ay wax ka qabtaan isbedeladaan, laakiin ka dib ku dhowaad soddon sano oo iska horimaad hubaysan iyo qalalaase naxriis daran oo aan dhammaad laheyn ayaa daciifiyey habka dabbaraada halka kaabayaasha oo horay ku caawimi jiray in ay biyaha keydiyaan hadana qeybiyaan xilliyada abaarta ama biyo marsiin jireen meelo loogu talagalay waqtiyada fatahaada ayaa si aad ah loo burburiyey ama laga dhigay kuwo aan shaqeyneyn.

ICRC waxay isku dayeysaa in ay yareyso qaar ka mid ah saameynta cimilada aan caadiga aheyn oo colaadaha iyo abaaraha dabadheeray sii xumeyeen. Abaarta ba’an oo ka dhalatay xilli roobaad si xiriir ah u baaqday oo sannadkii 2017-kii gaartay meesha ugu sarreysa ayaa shidday dhibaato bani’aadamnimo oo gaartay heer aan caqli gal ahayn iyadoo burburisay hab-nololeedkii, helitaanka cuntadana aad ah u yaraaysay iyo malaayiin dad ah ayaa ka barakicisay guryahooda. Mas’uuliyiinta hay’adaha qaranka iyo kuwa gobolka, deeq-bixiyeyaasha iyo kuwa la hawlgala hay’adaha bani’aadamnimada ayaa si wadajir ah u abaabuleen dadaal si ay isugu deyaan in ay jawaab ka bixiyaan dhibaatadaan: ICRCda oo ay weheliso Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), ayaa safka hore kaga jira ka jawaabcelintaan. Waxqabad la mideeyey oo ay ku jirto caafimaadka, nafaqada, gargaarka deg degga ah iyo hawlaha ay qabteen kooxaheena Biyaha iyo Deegaanka waxay ahaayeen kuwo aad u muhiim ah. Ololeyaasha dhiirigelinta fayo-dhowrka, daaweynta ilaha biyaha, rakibaadka bambooyinka biyaha, qodidda iyo dayac-tirka ceelasha, dhisidda dhismayaasha biyaha roobka lagu qabto ama hagaajinta iyo kordhinta keydinta biyaha iyo awoodaha qaybinta ayaa gacan ka gaystay yareynta saameynta abaartaan ba’an oo ay saameysay in ka badan 1.2 milyan oo qof.

Haddii abaaraha ay barbaarinayaan dhibaatooyinka bani’aadamnimada fatahaadana sidaas oo kale ayey u kobciyaan: Soomaaliya labada ifafaale dhaqan ahaan si kale haddii loo dhigo way isla socdaan, haddii sannadkii 2017-kii ay dhacday biyo yari daran, bilihii ugu dambeeyey 2016-kii qaybo ka mid ah dalka waxaa ka dhacay fatahaado ballaaran. Tani waxay aheyd xaaladda magaalada Beledweyne halkaas oo 70,000 qof ay saameysay fatahaada Webiga Shabeelle, oo mararka qaarkood nolol u ah gobolka, waxay sidoo kale, sida tan hadda dhacday oo kale, sabab u noqon kartaa carqaladeyn baaxad weyn iyo nolol adag. Gargaarka deg degga ah ee loo fidiyey dadka ay saameysay dhibaatada waxaa bar bar socday, mudnaanta ugu weyn ee ICRC iyo kooxaha SRCS oo aheyd in laga hortago faafidda cudurada biyaha ka dhasha, sidaas daraaddeed waxaa diiradda la saaray dadaalo damaanad qaadaya helitaanka biyo nadiif ah oo la cabi karo.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan shaqada la qabtay kuma koobneyn ka jawaab celinta musiibooyinka dabiiciga ah oo ay sii xumeeyeen dhibaatooyinka dadku ay sameeyaan. Sida aad ka ogaan doonto warsidahani biyaha, ICRC-da Soomaaliya waxay gashataa laba koofiyadood: midi waa jawaab-celin deg deg ah iyo sidoo kale mid ah xoojinta hab-nololeedka iyo adkeysiga. Kan dambe ujeeddadiisu waxay tahay in la hagaajiyo kaabayaasha biyaha lagu kaydsado lagana qaybiyo oo mudada dheer ah, dhiirigelinta mashaariicda waraabinta si loo taageero hannaanka wanaagsan ee beeraha, dayactirka kanaalada iyo jiinka webiyada, dayactirka iyo dhisidda kaabayaasha bulshada sida bukaan-socodeegtooyinka iyo isbitaalada.

Dhibaato bani’aadamnimo kasta waxaa jira malaayiin qof oo murugo shakhsiyadeed haysato oo dadka ay u adkeystaan, xitaa marka ceelasha ay buuxaan, ogow qiimaha uu leeyahay biyaha, iyadoo qiimahaas ay leedahay waa in aad u ilaalisid sida hantida ugu qiimaha badan.

 

Daniel Gerard O-Malley

Madaxa ku xigeenka Ergada ICRCda ee Soomaaliya