Toddobaadkan Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa tababar kii ugu horeeyay ee abid oo ku saabsan maareynta haraaga aadanaha ee dhacdooyin khasaaro badan leh ku qabatay Soomaaliya. Tababarku wuxuu isu keenay 30 qof oo ka shaqeeya gargaarka deg degga oo ka socda  Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), Aamin ambalaas, shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalada Madiina iyo Keysaney iyo hay’ado kale oo la diro markay masiibo dhacdo.

“Tababarkan wuxuu imaanaya dhowr bilood ka dib markii saaxibo iyo qoys nooga dhinteen qaraxii bishii Oktoobar,” ayuu yiri Maxamed Ibrahim oo ah mas’uulka hawlgalada ICRC ee gobolka Banaadir. “Ilaa manta boqolaal ayaa weli aan la aqoonsan.”

Khabiirka meyd baaarista ICRC, Stephen Fonseca wuxuu ka qaybgalayaasha ku wargeliyay in ay ka digtoonaadan marka ay galayaan goobta marka masiibo ay dhacdo.Ka qaybgalayaashu sidoo kale waxay door ka cayaareen jilitaanada kala duwan ee masiibooyinka halkaas oo meydka iyo haraaga aadanaha ku maamulayaan si sharaf iyo xushmeyn leh. Waxaa la tusay sida loo aruuryio xogta iyo sida loo abuuro nidaamka calaamad ku dhejinta sidaas daraadeed macluumaadkaas si sahlan ayaa dib loo heli karaa, qoysaskuna way aqoonsan karaan kuwii ay jeclaayeen.

“Shaqada ICRC-da Soomaaliya iyo adduunka oo dhan waa in la hubiyo dadka ku dhinta colaada, masiibooyinka ama xitaa socdaalka ayaa haraagooda dib loo heley,” Stephen ayaa yiri. “Ma ahan keliya meydka, qoysasku way noolyihiin waxayna sugayaan macluumaad.”

Maareynta habboon oo sharaf leh ee meydka ee meelaha colaada iyo masiibooyinka ka dhacaan ayaa qayb muhiim ka ah shaqada ICRC ka wado Soomaaliya. Sida loola macaamilo meydka wuxuu saameyn qoto dheer joogto ah oo dhanka caafimaadka maskaxda ah ku reebaa dadka ka badbaaday iyo bulshadaba.

Sawiro badan oo laga soo qaaday siminaarka

Buugga goobta shaqada oo loogu talagalay dadka ka shaqeeya gargaarka deg degga

Buug-gacmeedka hab-dhaqanka ugu wanaagsan

 

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Layal Horanieh, Ergada ICRC-da Soomaaliya

+254 700 888 131