Raad raaca Wajiga- waa buug tusiye sawiro oo muhaajiriinta gaaratay Yurub ku caawinaya in ay dib u soo celiyaan xiriirka kuwa ay jeclaayeen oo ku sugan waddanka asal ahaan ka soo jeedaan- ayaa hadda laga heli karaa luqadda af-Soomaaliga oo muhaajiriinta iyo qoysaskooda jooga Soomaaliya labadaba u sahlaya in ay raadiyaan hadana midba midka kale dib u xiriirayaan, inta badan sanado ay kala maqanaayeen ka dib.
Si loo xuso Maalinta Caalamiga ah ee dadka Lumay- Agoosto 30—Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) ayaa horumarinya website-ka cusub ee luqadda Soomaaliga, oo muraayada Raad raaca Wajiga oo luqado badan ku qoran.
Raad raaca Wajiga waa qalab ay bilaabeen shabakadda Xiriirka Qoysaka oo dhex jirta Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (RCRC Movement) bishii Setembar 2013-kii.In badan oo ah ayaa sawiradooda soo dhiga si ay u helaan qaraabadooda maqan. Tan iyo sanadkii 2013-kii, in ka badan 3,000 qof ayaa sawiradooda soo dhigay Raad raaca Wajiga. Inta badan waxay ka yimaadaan Bariga-Dhexe,Galbeedka Afrika iyo Geeska Afrika.In ka badan 200 sawirada la soo dhigay asal ahaan waxay ka soo jeedaan Soomaaliya kuwaas oo u haajaray Yurub. Website-ka waxaa hadda laga heli karaa todoba luqadood oo kala duwan, oo ay ku jirto Soomaaliya, oo isku soo dhoweyneysa dadka ugu baahida badan adeegyada.
Sanadkii 2014-kii, Saalim Maxamed* oo ahaa ilmo yar markii uu Soomaaliya ka tagay oo gaaray Yurub asagoo raadinaya mustaqbal wanaagsan.Asagoo isku dayaya in uu dego Austria, wuxuu rabay in uu dib-u-dhiso xiriirka qoyskiisa oo aan maqlin tan iyo markii uu dhoofay.Sanadkii 2015-kii wuxuu tagay Laanqeyrta Cas ee Austria, bishii Janaayo sanadkii la soo dhaafay, sawirkiisa ayaa lagu baahiyey www.tracetheface.org.
Dhawr bilood ka dib, bishii Luulyo Saalim deriskiis ee Soomaaliya,kuwaas oo sidoo kale u haaray Yurub qaxooti ahaana ugu noolaa Malta ayaa website-ka ku aqoonsaday wajiga Saalim.Tani waxay bilowday silsilad isgaarsineed ee deriska iyo Laanqeyrta Cas ee Austria iyo tuuladii Saalim hooyadiis ay joogtay.Ugu dambeyn bishii Setembar, hooyada iyo wiilkeed waxay awoodeen in wicitaan telefoom ku wada xiriiraan.
“Waxaan xaqiijiyey in hooyadey caafimaad qabtay waana ku faraxsanaa in taa aan maqlo,” Saalim ayaa dib u xasuustay. ”Waxaan ogaaday in ay ku jirto xero [barakac].” Ma qiyaasi karo waxa ay la kulmeyso. Waxaan weydiiyay su’aalo badan gaar ahaan caafimaadkeeda iyo xaaladaha guud ee nolosheeda.” Hooyada dhankeeda aad ayey ugu faraxday in ay maqasho wiilkeeda yar oo nabdoon oo fiican ku dhowaad laba sano hubanti la’aan ku saabsan qaddarkiisa.
Weli maqan
Raad raaca Wajiga waa mid ka mid ah qalabka kala duwan oo ay isticmaalaan ICRC iyo jimciyad-qarameedyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas oo ku caawinaya in dib-u- dhisto xiriirka u dhaxeeya xubnaha qoysaska oo ku kala lumeen colaada hubeysan, qalalaasaha, masiibooyinka dabiiciga ah, haajiridda, ama dhibaatooyinka kale bani’aadamnimada.Intaa waxaa dheer wicitaanada telefoonada iyo is dhaafsiga farriimaha qoraalka ah(Red Cross Messages), adeegyada Dib-u-soo celinta Xikriirka Qoyska oo la bixiyo sidoo kale waxaa ku jira baafinta, oo macnaheedu yahay Laga raad-raacayo gudaha in dib loo helo, mararka qaar bilo ka dib, xitaa sanado shaqo Samir la jirto, Shakhsiga(shakhsiyaadka) la raadinaayo.
Sanad kasta,iyadoo taageero laga helayo ICRC,Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay heshaa kana shaqeysaa boqolaalo codsiyo baafin ah oo laga helay dhammaan adduunka oo dhan. Nasiib darro codsiyadaan badankood ayaa ah kuwo aan xal loo helin, laakiinse kooxaha goobaha jooga ayaa si joogto ah u gaaraan natiijooyin wax tar leh, sidii ay noo muujinayaan qisooyin qaarkood oo qalbidhaqaajin ah.
*Ma ahan magaca dhabta ah