Cudur saf-mar oo dilaa ah kaas oo hoos u dhiga kororka miisaanka xoolaha, yareeya wax soo saarka caanaha iyo hilibka xoolahana ku keena dhalmo la’aan iyo dhicis ayaa ku tarmay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Diqsiga gendiga wuxuu ku noolyahay hareeraha webiyada Shabeelle iyo Jubba halkaas oo geedaha waaweyn, duurka iyo sayaxa sare ee gobolka ku kobco. Diqsigu waa kan gudbiya cudurka gendiga, wuxuuna saameyn ba’an ku leeyahay xoolaaha iyo dhaqaalaha gobolka.
Magaalada Balcad, cayayaanka wuxuu halis ku haya xoolaha iyo hab-nololeedka bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah oo xoolahooda geeya webiga Shabeelle oo meesha ku yaalo. Webiga waa nolosha beeraha iyo dadka beeraha iyo xoolaha ku tiirsan oo magaalada ka soo saara suufka (cudbiga), galleyda, khudaarta.Si kastaba ha ahaatee, waqtiga diqsiga kobco tiro ahaana si badan u tarmo waa xilli roobaadka.
‘’Waxaan waqtiyadii daajinta xoolaha ka bedelnay maalintii una bedelnay saacadaha habeenkii ah sababta oo ah kororka cayaanka dilaaga ah awgeed,”sidaa waxaa yiri 39-sano jirka Maxamed Cadow Diisow oo ah xoolo-dhaqato ku sugan Buulo-barwaaqo ee magaalada Balcad. “Jiinka webiga waa meel u nugul diqsiga gendiga, caqabada weyn na haysato waa cudurkan (gendiga) kaas oo dila xoolaheyna.”
Takhasusiinta xoolaha oo ka tirsan Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas (ICRC) waxay shaqaaalaha caafimaadka xoolaha ee bulshada ku tababareen xakameynta cudurada xoolaha.
Iyadoo la rakibay dabinada nooca NGU iyo waxa afka qalaad lagu yiraahdo pour-on treatment ayaa tirada diqsiga gendiga degaanka si weyn hoos ugu dhacay. Dabinada waxaa laga sameey maro buluug iyo madow ah taa oo soo jiidata diqsiga.Sidoo kale kaadida lo’da ayaa loo adeegsadaa in gudaha lagu soo geliyo diqsiga.
“Iyadoo la rakibay 2,000 dabino iyo daaweynta in ka badan 500,000 neef oo lo’ ah oo ku nool dhulka webiyada maro ayaa ku gaarnay bar-tilmaameedkeena xakameynta diqsiga gendiga,” waxaa yiri Massimo Zecchini, takhasusiga xoolaha ee ICRC-da Soomaaliya. “Bulshada degaanka waxay ka warhayaan muhiimadda ay leedahay xakameynta dulinka oogada (external parasites) waxayna ka qeybqaadanayan la socodka dabinada.”
Why are we trapping tsetse fly in #Somalia? pic.twitter.com/3ioz44bf7V
— ICRC Africa (@ICRC_Africa) June 19, 2017
Dabinada waxay bulshada ku dhaqan dhulka webiyada maro u yahay xal waara oo muddo dheer gaara. Xakameynta diqsiga waxay bulshada ugu faa’ideysteen kordhinta wax soo saarka xoolaha iyo hagaajinta caafimaadka xoolaha.Tani sidoo kale waxay xaqiijisay dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo hab-nololeedka dadka beeraha iyo xoolaha ku tiirsan ee degaanka.
Tan iyo bishii Janaayo, ICRC waxay caawisay in ka badan hal malyan oo dad ah guud ahaan Soomaaliya iyadoo siineysa cunto, lacag caddaan ah, iyo daryeelka caafimaadka. Waxay kaloo u dayactirtay meelaha biyaha laga helo si loo xaqiijiyo in qoysaska iyo xoolahooda loo kordhiyey helitaanka biyaha. Ka jawaabidda xaaladda deg degga ee abaarta waxaa barbar socda ICRC oo sii wada in ay hirgeliso waxqabadyo la xiriira hab-nololeedka sida xakameynta diqsiga gendiga, hagaajinta adeegyada caafimaadka xoolaha, bixinta maalgelin wax soo saar leh iyo tababaro la siinayo bulshooyinka beeraleyda ah, xoolodhaqatada iyo kalluumeysiga.