Maxaa dhacaya marka qoys uu ka qaxo hal aag dagaal uuna gaaro aag dagaal kale?

Markii qoyskeeda ay go’aansadeen in ay ka tagaan Yaman, ciriiriga dagaalkana ku soo dhowaanayey, Faa’isa Xassan waa hooyo Soomaaliyeed oo leh saddex caruur ayaa dib u xusuusatay. Bambooyinka culculus iyo duqeynta hoobiyaashana waxay burburinaayeen guryaha, dhismayaal sii dumaayaan ay ku wareegsan.

“Meel kasta jahwareer ayaa ka jiray meydadkana waxay yaaleen waddooyinka. Wax ii furan ma jirin aan ka aheyn in aan ka baxsado,” Faa’isa ayaa tiri. “Waxaan arkay isbitaalada oo ku buuxaan dadka dhaawacmay.”

Waxay fiirisay labadeeda wiil iyo gabadheeda, dhammaantood way ka hooseyaan 12 sano waxayna la yaabtay waxa mustaqbalka uu yahay. Waxay go’aansatay in ay gasho safarka khatarta ah dib oo ugu laabaneyso Soomaaliya oo ah dalka markii hore qoyskeeda kaga qaxeen rabshada halkaas jirtay awgeed. Sayga Faa’isa wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliland sandkan 2016-ka si dhabaha ugu xaaro soo noqoshada qoyskiisa. Laakiin wax yar ka dib markii yimid waxaa ku dhacay Qaaxo waana u dhintay.

Faa’ísa iyo caruurteed waxay u safreen Cadan oo ah magaalo deked leh, ka gadaal markii ay ka carartay caasimadda Sanca oo galaafatay dagaalka,” sidaas ayey tiri. Sida keliya lagu tallaabi karo Gacanka Cadmeed dalkana loogu soo laaban karo waxay aheyd in la soo raaco Markab xamuul kharajkiisuna yahay 300 doolarka Mareyka ah. “Markabka loogama tala galin in uu qaado rakaab, meel kasta waxaa lagu diyaariyey xamuul. Waxa ugu dhibka badnaa oo aan arkay waxay aheyd tas-hiilaadka fayo-dhowka oo liitay sida musuqulaha,” sidaa ayey tiri.

Qoysku waxay Berbera soo gaareen bishii Luulyo, si la mid sida inta badan qaxootiga cusub lagu qaabilo, Faa’isa iyo caruurteeda waxaa qaabilay shaqaalaha iyo mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS). Dekedda Berbera waxay ku taala qeybta koofureed ee Gacanka Cadmeed oo ah halka SRCS ku caawintay qaxooti ku dhow 12,000 qof oo ka soo cararaayeen colaada Yaman tan iyo 2015-kii ayna ku jiraan 2,000 qof sanadkan gudahiisa.

Inta badan kuwa imaanaya waa Yamaniyiin iyo muwaadiniin Soomaali ah. Faa’isa waxay ku faraxsantahay in ay dib ugu soo laabato dalkeeda in kastoo ay weli ku tiirsantahay taageerada qaraabada si ay u daboosho kharaj maalmeedka sida cuntada, biyaha iyo kirada.

Maalin dib loo midoobayo.

SRCS oo taageero ka helaya Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Xiriirka Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC)waxay dadka Yaman ka soo laabanaya siiyaan adeegyada aasaasiga ah. Shaqaalahooda iyo mutwadawiciintooda waxay maalin iyo habeen xaadir ku yihiin dekedda si ay u qaabilaan una siyaan dadka cusub imaanaya gargaarka deg degga ah marka loo baahdo ka gadaal safarka inta badan dheer oo daalka badan. SRCS waxay kaloo bixisaa adeeg wicitaan telefoon oo lacag la’aan ah si ay ula xiriiraan eheladooda ku sugan Soomaaliya ama meelo kale si ay ugu wargeliyaan in ay ammaan yihiin.

Qof wacaya xubno ka mid ah qoyskiisa si ugu xaqjjiyo in uu ammaan qabo. Wicitaanka telefoon waxaa si lacag la’aan ah SRCS ugu deeqday dadka soo laabanaaya ka gadaal markii ay ka soo carareen colaada Yaman. SRCS/Maxamed Cabdi Aadan

Qof wacaya xubno ka mid ah qoyskiisa si ugu xaqjjiyo in uu ammaan qabo. Wicitaanka telefoon waxaa si lacag la’aan ah SRCS ugu deeqday dadka soo laabanaaya ka gadaal markii ay ka soo carareen colaada Yaman. SRCS/Maxamed Cabdi Aadan

Magaalada Berbera sarkaalka SRCS oo kormeeraya hawshan Maxmed Adan wuxuu si fudud oo farxad leh dib ugu xusuusanaaya sheekada Marwo Sacdiya. Sacdiya iyo saddexdeeda caruur waxay ka soo tageen Yaman, waxayna Berbera soo gaareen bishii Maajo 2015-kii. Waxaa mahad leh adeegga wicitaanka telefoon oo lacag la’aanta ah, waxay awood u heshay in hooyadeed ku sugan Muqdisho wacdo isla maalintaas abaaro 9:00 subaxnimo. Markii ay ogaatay in gabadheeda ay soo laabatay, hooyadu waxay u duushay Hargeysa waxayna ugu gudubtay Berbera oo gaartay 5:00 galabtii. waxay qoyskeeda dib ula midowday sida saxda ah 5:15 galabnimo.

Sanadkan 2016, ku dhowaad 2,000 qof oo ka soo cararaayeen colaada Yaman ayaa lagu qaabilay dekedda Berbera, qaraabadana waxaa loo sameeyey 490 wicitaano telefoon.2,500 qof oo kale ayaa soo gaareen dekedda Berbera, labadii sano ee la soo dhaafay qaraabada waxaa loo sameeyey in ka badan 12,000 wicitaano telefoon

“Adeegyada shaqaalaha SRCS iyo mutadawiciinta dadaalka badan u fidinaayan muhaajiriintan iyo dadka soo laabanaayaan marka ay soo gaaraan waxay u muuqata wax yar marka loo eego dhibaatooyinka kula kulmeen dalalkooda iyo markii ay dib ugu soo laabanaayeen Soomaaliya. Laakinse lama kulmin,” waxaa yiri Dalila Romdhane oo ah isku-duwaha ICRC ee hawlaha dhawrista Soomaaliya.

“Gargaarkan bani’aadamnimo fudud, shakhsiyaadkan oo intooda badan ay yihiin haween iyo caruur waxay garanaayan in ay gaareen meel ay ka heli karaan xoogaa nasasho ah, dad kale oo ku tiirsanaan karaan si ay u caawiyaan waxa ugu sii muhimsan uu yahay xiriirka qoysaskooda si ay kalsooni u siyaan.”

images