Caasha* waxay ku nooshahay meel u dhow webiga Shabeelle Beledweyne oo ah degaan sanadkasta nasiib u yeesha roobab mahiigaan ah. Shan bilood ka hor, biyaha webiga waxay sameeyeen qar-shub kuna fatahay gobolka. Caasha waxaa ka khasaraaray ku dhowaad dhamman dalaggeda, afarta ari ay laheedna ayaa daadka ka qaaday. Guriigedha oo ka samaysnaa dhoobo iyo laamo geed waxaa wali ka muuqdo khasaradha oo daadka.

Daadkii bishii Maajo wuxuu ahaa mid aad u weyn oo 70,000 qof guryahooda ka barakiciyey. Beeraleyda ku nool hareeraha jiinka webiga waa kuwa sida aadka ah u saameeyay fatahaada.

Dadka degaanka oo ku dhex socdaan waddooyinka biyaha ku fatahay ee Beledweyne Soomaaliya Maajo 2016. ©ICRC/Aden Jajane.

Dadka degaanka oo ku dhex socdaan waddooyinka biyaha ku fatahay ee Beledweyne Soomaaliya Maajo 2016. ©ICRC/Aden Jajane.

Caasha iyo saygeeda Xassan waxay ku mashquulsanaayeen moos (muus) qoys markii webiga qarka soo jabsaday waxyeelana u geystay dhammaan beerteeda. Waxa markii ugu horeeyey maankeeda ku soo dhacay wuxuu ahaa ammaanka caruurteeda, waxay ku deg degtay sidii caruurteeda ugu biirin laheyd dadka u dhaqaaqay dhulk taaga ah ee Ceel- jaalle oo magaalada Beledweyne u jirto 10 km.

“Weli waxaa iga muuqda naxdinta,”Caasha ayaa tiri. Waxaan qorsheynayey in aan iibiyo mooska (muuska) iyo haruurka ka dibna isaga bixiyo deymaha la igu leeyahay hadda halkaan waxaan joogaa xero barakac. Ma qiyaaseyn in tani ay dhaceyso.”

Masiibada Ka hor, Caasha iyo Xassan waxay maalin kasta suuqa weyn Beledweyne ka iibin jireen ku dhowaad shan loor oo haruur ah iyadoo ka soo geli jirtay dakhli ku filan oo ku quudiyaan qoyskooda. Maanta ma jirto dhakhli ka soo xarooda beer-falashada.

“Waxaa loor haruur ah ka gadi jiray $2, maalintii suuqa fiicanyahayna guriga waxaan la imaanayey $10. Way igu filneyd in aan ku daryeelo qoyskeyga, laakin mar dambe arrintu waa ay isbedeshay hadda waxba ma haysano,”Caasha ayaa sharaxday.

Caasha oo joogto jikadeeda ka sameysan cooshad kuna taala Lleebo, Beledweyne. Waxay ka mid tahay kuwa la siyaay in ay helaan $450 si loogu caawiyo in ay dib- u soo ceshato hab-nololeedkeeda baab’ay sababo la xiriira fatahaadda. ©ICRC/Mohamud Miraj

Caasha oo joogto jikadeeda ka sameysan cooshad kuna taala Lleebo, Beledweyne. Waxay ka mid tahay kuwa la siyaay in ay helaan $450 si loogu caawiyo in ay dib- u soo ceshato hab-nololeedkeeda baab’ay sababo la xiriira fatahaadda. ©ICRC/Mohamud Miraj

Caasha $450-ka ka heshay ICRC waxay u qorsheysay in deymaha lagu leeyahay isaga bixiso iyo in ay ku ballaariso beerteeda.

“Isla markii aan helo faa’ido, waxaa dhulka taagga ah ka iibsan doona dhul beereed yar halkaas oo kaga fogaanayo fatahaada, qoyskeyna kula noolaanayo si nabad ah,” ayay tiri.

*Ma ahan magaceeda dhabta ah

images