Beeraley isugu jirta rag iyo dumar waxay hoos fadhiyaan hadhka geed qurac ah ee Jibagale oo ku taalo meel 20 kiiloomitir ka baxsan Magaalada Garoowe. Mawduuca kulanka waa geed timireedka: oo ah miro dhadhan fiican oo faa’ido leh Soomaaliya oo dhan looga riyaaqay

Iyadoo lagu fadhiyo darmo gacanta lagu sameeyey ayaa waxaa la wadaagaya qare la jeexjeexay, bocor cad cad loo jarjaray iyo shaah. Beeraleydu waxay ka hadlayaan guulaha iyo caqabadaha ka dib markii Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas ay ka heleen talaalka geed timireedka bishii Setembar 2015-kii.

Timir ka soo laalaada geed-timireed ku yaalaan mid ka mid ah beeraha Garoowe. Waxaa la goosan doonaa horraanta 2017-ka. ©ICRC/Cabdikariim Maxamed

Timir ka soo laalaada geed-timireed ku yaalaan mid ka mid ah beeraha Garoowe. Waxaa la goosan doonaa horraanta 2017-ka. ©ICRC/Cabdikariim Maxamed

Xasan Yuusuf waa 65 sano jir waa hoggaamiyaha beeraleyda wuxuuna si fiican u garanaaya caqabadaha ay la kulmayaan- inta badan waa biyo la’aanta. Xasan wuxuu qaadanaya talada khabiirka beeraha ICRC oo booqasho gaaban ku mareysa beerihiisa ku yaalaan geed timireed, yaanyo iyo basal.

Xasan had iyo jeer beeraley ma uusan aheyn. Wuxuu Garoowe ku iibin jiray dharka gacanta labaad ah. Laakiin ganacsigu ma aheyn mid xoogan wuxuuna u jeestay beerfalasho. Maanta wuxuu leeyahay dhul yar wuxuuna yiri rajadeydu waa sareysa oo marka dalaggiisa goosto horaanta 2017-ka ka heli doono faa’idodo fiican.

Timirtu waxay noqon kartaa wax soo saarkiisa ugu faa’idada badan.

“Hal kiilo oo timirtayda waxaan iibinaa $3 oo ka raqiisan kuwa dalka dibaddiisa laga keeno oo la iibiyo $6,” sidaa waxaa yiri Xasan. “Arrinta fiican ayaa ah bulshooyinka ku nool halkaan waxay doorbidaan wax soo saarka maxaliga ah, taa oo xitaa in badan kordhineysa dalabaadka.”

Dhammaan beeraleydu waxay yiraahdaan biyaha ayaa ah caqabada ugu muhimsan, iyadoo jirto dabeecada gobolkooda oomane-xigeen ah oo ay la kulmayaan abaaro soo noqnoqda.

Marie Del Marmol, mas’uulka hawlaha beeraha ICRC-da Soomaaliya ayey ku raacsantahay in biyo yaraantu ay tahay halista ugu weyn ee beeraleyda ay la kulmayaan.

“Beeraleydu waa in ay yareeyaan dhulka ay beertaan sababta oo ah qiimaha sare ee waraabka,” ayey tiri. “Beerashada dalagyo kala duwan waxay ku caawiyaan yareynta khataraha.Timirta qiime sare ayey ku joogtaa suuqa waxayna ku caawin kartaa in ay dheeli tirto khasaaraha dhanka dakhliga sababta oo ah beerashada dhulka oo la dhimay.”

ICRC waxay dhowaan bilaabi doonta mashruuc tijaabo ah iyadoo la adeegsanaayo waraabka tifiqleynta ah (drip irrigation) si looga gudbo biyo yaraanta, ayey tiri.

ICRC waxay kaloo qorsheyneysa in beeraleyda ku caawiso adeegsiga cagaf-cagafyada iyo maareynta iskaashato si bulshada loogu caawiyo in ay noqdaan kuwo isku filan

“Had iyo jeer biyaha ayaa dhibaato weyn ka ah gobolkeena, rajooyin weyn ayaan leeyahay haddii la bilaabo waraabka loo adeegsado qoraxda” Nadhiifo Yuusuf oo ah beeraley dhedig ah oo joogto Jibagale ayaa tiri.

ICRC waxay aaminsantahay habkan wadashaqeynta bulshada ku caawimeyso hagaajinta fursadaha guusha ee mudada dheer.

Bishii Nofembar 2015-kii ICRC waxay beeraleyda gobolada Sanaag, Nugaal, Bari, Mudug ee Puntland Soomaaliya iyo bulshooyinka Sool u qeybisay 42,000 talaalka geed timireedka. Timirtu waxay goosasho diyaay u noqon dsoonaan horaanta 2017-ka.

Marie oo shir iska caadi ah beeraleyda kala hadleysa horumarka laga gaaray mashruuca geed- timireedka Garoowe. ©ICRC/Cabdikariim Maxamed

Marie oo shir iska caadi ah beeraleyda kala hadleysa horumarka laga gaaray mashruuca geed- timireedka Garoowe. ©ICRC/Cabdikariim Maxamed

 

images