Nayroobi (ICRC), Daadad ka dhacay magaalada Beletweyne ee dalka Soomaaliya ayaa barakiciyey kumunaan dad ah kuwaaasoo iminka u baahan cunno iyo biyo la cabbo oo nadiif ah. Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas (SRCS) waxay gargaar deg degga ah u qeybinayaan in ka badan 30,000 qof si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhashay daadadka.

ICRC iyo Bisha Cas, isbuucaan waxay bilaabeen qeybin oo ka kooban, bariis, saliid, digir iyo maro kaneecooyin.

Qeybiska magaalada Beletweyne, Soomaaliya. ©ICRC/Miraj Mohamud

Qeybiska magaalada Beletweyne, Soomaaliya. ©ICRC/Miraj Mohamud

“Daadadkan waa kuwii ugu xumaa muddo sanaddo ah. Waxay saameeyeen magaalada badankeed iyo daafaheeda. Marka ay dadka u dhaqaaqaan dhulka taaga ah, waxay u baahan yihiin wax walba. ICRC waxay bulshada aadka waxyeelada usoo gaartay siinaysaa cunto iyo agab kale oo aasaasi ah, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad. Tani waxay awood u siinaysaa inay ku sii moodaan intay ka bilaabayaan dib u dhiska guryahooda,” sidaa waxaa yiri Alberte Jabre, oo ah isku duwaha goobta ICRC ee gobolka.

Ku dhowaad 10,000 kaniinka biyaha ayaa la qaybiyay ayadoo qoys walba uu helayo 20 xabo oo kaniini ah, kaa oo ku filan muddo bil ah. Hal kaniini wuxuu daweyn karaa 20l oo biyaha lacabo ah.

Daadadka waxay ka dhasheen roobab xoogan oo ka da’ay qeybaha kore ee dhulka sareeya ee Itoobiya kuwaasoo sababay in Webiga Shabeelle uu buux-dhaafiyo. Shaafi Ibraahim, oo ah oday deegaanka ka tirsan, wuxuu yiri biyaha daadka waxay burburiyeen haruurkii iyo inay beerihii ay noqdeen kuwa aan la geli karin.

“Daadka ayaa burburiyay ku dhowaad waxwalba. Bulshada badankeed ee halkan waxay ka shaqeystaan ganacsi yar ee suuqa deegaanka. Ma sii shaqeyn karaan maadaama meeshu biyo qarqiyeen. Waxaanu filaynaa muddo bil gudaheed inay qalasho aana bilaabi karno dib u dhiska nolosheena,” ayuu yiri Ibraahim.

Beledweyne waxay hoy u tahay 31,000 oo dad barakacayaal ah, kuwaas oo badankoodi ka soo cararay dagaalo ka dhacay degmooyinka la deriska ah ee Jalalaqsi iyo Bulo Burte. Dadka deegaanka ee ku nool meelaha hooseeya waxay u guureen dhulka sare ee Ceel Jaalle, oo shan kiilo mitir u jirta Beledweyne.

Wixii warar dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

Pedram Yazdi, Nayroobi: +254 700 888 131

Jason Straziuso, Nayroobi +254 733 622 026

 

images