Waa fariin qoraaleed samata bixin karta nolol: “Ku dhaq gacmahaaga saabuun caruurtaadana u sheeg inay sidoo kale yeelaan.” Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa waxay markii ugu horeysay fariimo teleefanka gacanta ugu direysaa in ka badan 20,000 dad ah oo ku sugan dalka Soomaaliya si ay si dhaqso ah ugu gudbiso tilmaamo ku saabsan ka hortaga daacuunka.

IMG_2362

Fariin oo ICRC ah dhiirigelinaya hababka fayodhowrka wanaagsan. ©ICRC/Rita Nyaga

Fariimaha wargelinta ee dhiirigelinaya hababka fayodhowrka wanaagsan ayaa waxaa loo dirayaa dadka deegaanka ka dib markii dhowaan daacuun ka qarxay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

“Tan iyo bartamihii April in ka badan 1,000 qof ayaa geeriyooday ka dib markii daacuun ka dilaacay gobolka Shabeelaha Hoose,” sidaa waxaa yiri Maurizio Campailla, iskuduwaha barnaamijka caafimaadka ee ICRCda Soomaaliya. “Waxaynu rabnaa inaan fariinta si toos ah ugu dirno bulshooyinka  ay aafeeyeen dagaalada sanadaha socday, deegaanka cimiliada qalafsan iyo barkaca si looga fogaado xanuun dheeri ah iyo dhimasho.”

Tan iyo bilowgii April, madaxda caafimaadka ee ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay dawaynayeen 1,000 xaaladood todobaadkiiba gobolka Jubbada Hoose. ICRC iyo Bisha Cas waxay kaloo maalin kasta idaacada ka sii daynayeen fariimo ku saabsan ka hortaga cudurka daacuun caloolaha tan iyo May.

Meelaha qaar ee Soomaaliya weli waxaa ka jira daadad, kuwaasoo halis dhinaca daacuunka iyo cudurada ka dhasha biyaha ku keena bulshooyinkaas. Magaalada Beledweyne, qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha tirada badan waxaa dhowaan ku qasbanaatay inay ka baxsadaan biyo sare u kacaya. ICRC iyo Bisha Cas way sii wadayaan inay  ka jawaab bixiyaan baahiyooyinka aadminimo ee ka soo burqada halkaas iyagoo bixinaya wadatashiyo caafimaadka iyo dawada ah. Raashiin ayaa loo qeybinayaa kuwa ugu nugul dhamaadka bisha Luulyo. Ku dhowaad 850 qoys oo ay hogaamiyaan haween ee ku nool Beledweyne ayaa ka mid noqon doona kuwa heleya fariimo qoraaleedka ku saabsan daacuunka.

Daadadka magaalada Beledweyne

Daadadka magaalada Beledweyne. ©ICRC/Aden janjane

 

images