Jordi Raich Curcó, Madaxa Ergada ICRCda ee Soomaaliya

Jordi Raich Curcó, Madaxa Ergada ICRCda ee Soomaaliya

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas waxay raad raaci kartaa doorkeeda dhanka caafimaadka oo ah asalka hay’adda. Aragtida gumaadka ba’an ee dagaalka ayaa keenay rabitaanka in la sameeyo ururka. 150 sano ayaa laga soo wareegay, muddadaasi  ayaa keentay in shaqadeena caafimaadka ay ballaarato laga soo bilaabo daryeel toos ah oo loo fidinaayo kuwa ku dhaawacmay dagaalka, ka dib waxaa lagu darayqalliinka  dagaalka, taageero la siiyo daryeelka caafimaadka asaasiga ah iyo dalal badan oo caalamka ayaa laga hirgeliyay xarumo takhasusi ah ee dhanka lafaha iyo addimo macmalah.

Xaqiijinta daryeel caafimaad oo tayo leh had iyo jeer waa caqabad ka jirta gudaha Soomaliya, haddana arrintaan waxaa sii xumeeyey xasillooni la’aanta, dagaallada hubeysan oo dabadheeraaday iyo cimmilo xun oo soo noqnoqato. Baahida loo qabo xarumo caafimaad oo si fudud loo gaari karo, shaqaale takhasusi ah iyo qorsheyn iyo khibrad dhanka maamulka ayaa si weyn loo dareemayaa iyadoo jirto dhibaatooyin guud oo ay bulshada la kulmayso. Tani waa hawl ka weyn in uu qabto jilaa keligiiis laakinse waxaan ka faa’idnaa wadashaqeynta xooggan oo aan la leenahay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) si aan u fulino doorkeena.

Dhammaan muhiimadda hawsheena waa fal shakhsiyeed ee bani’aadamnimo ah; tani waxaa astaan u ah soo muuqashadii daryeelka caafimaadka. Muhiimada ficilkan uu u leeyahay colaada hubeysan waxaa lagu muujiyey Sharciga Caalamiga ah ee Aadminimada (Sharciyada Colaada hubeysan) kaas oo ku adkeysta in shakhsiyaadka ku dhaawacma dhammaan dhinacyada colaadaha ay shuruud la’aan xaq u leeyihiin daryeel caafimaadka iyo ilaalinta xarumaha iyo shaqaalaha caafimaadka. Rabshadaha ka dhanka ah bukaanada iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka weli waxay ku sugan yihiin khatar waana arrin bani’aadamnimada oo la iska indhatiray gudaha Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Bogagaan waxay sharaxayaan howlaheena, waxaana ka mid ah taageerro maaddi iyo tababar oo la siinayo isbitaalada, xarumaha caafimaadka aasaasiga ah ee Bisha Cas iyo sahay agab caafimaad oo loogu talagalay in lagu daweeyo kuwa ku dhawacmeen dagaalada hubaysan. Waxaa laga yaabaa midda ugu welwelka badan ee shaqadeena inay tahay aqoonsashada inta harsan ee ay tahay in la qabto. Tusaalooyinka la bixiyay waa qeyb yar oo ka mid ah jawaabta loo baahan yahay.
Inkastoo howsha ugu weyn ay u muuqan karto mid aad u ballaaran, tusaalooyinka shaqsideed sida tababarte dadaal badan, hooyo xannaanoleh iyo agaasime Isbitaal oo howshiisa ka adag waxay balanqaad u yihiin waqtiyo an aad u adkayn ee soo socda.

Thumbnail somali