Isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya ayaa sida lagu soo waramay galaaftay nolosha 21 qof isla markaana dhaawacay ku dhowaad 151 qof kale. In ka badan 70,000 dad ah badankooduna ay yihiin haween iyo carruur ayaa ka barakacay dagaalada, marka loo eego qiyaasaha muxaafidka ah.

Gaalkacyo waxay aheyd magaalo kala qeybsan sababtoo ah xiisado muddo dheer soo jirtay.Dagaalka u dhaxeeyey kooxaha hubeysan ee maamulka Puntland ee waqooyi iyo mas’uuliyiinta maamulka ku meel gaarka ah ee dhowaan la sameeyey Galmudug koofur ayaa dilaacay dabayaaqadii bishii Nofembar iyo horraantii Disembar kuna khasbay kumanaan dadka deegaanka ah inay gabbaad u raadsadaan tuulooyinka ku dhow iyo xeryaha dadka barakacayaasha ee ku yaala daafaha waqooyiga iyo koofurta Gaalkacyo.

Gaari ku raran shixnad gargaar oo yimid mid ka mid ah goobaha qaybinta ee daafaha magaalada Galkacyo

Gaari ku raran shixnad gargaar oo yimid mid ka mid ah goobaha qaybinta ee daafaha magaalada Galkacyo

Labada dhinac colaada u dhaxeysa waxay hubiyeen marin nabdoon ee gaadiidka gaargaarka u sida qoysaska dhibaatadu saameysay.

Tani waxay u suuragelisay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC), iyadoo kaashaneyso Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) inay gaaraan 55,000 qof oo ku sugan waqooyiga iyo koofurta Gaalkacyo. ICRC iyo SRCS waxay gargaar samata-bixin ah qaybiyeen bartamihii bishii Disember waxaana ka mid ahaa cunto, biyo iyo agabka guryaha ee lagama maarmaanka ah.

Shixnado gargaar caafimaad   deg deg ah si loogu caawiyo kuwa dhaawacmay kana mid yihiin   dhibbanayaasha rayidka ayaa sidoo kale loo qeybiyey labada isbitaal ee waqooyiga iyo koofurta Gaalkacyo.

In kastoo dagaalka istaagay qaar ka mid ah dadkii barakacayna ay guryahooda ku soo laabanaayaan guryahooda, xaalada Gaalkacyo weli waa mid nugul. In la joogteeyo gaaritaanka kuwa u baahan waxay dadaalada gargaar hor leh ku noqoneysaa xaalad khatarteeda leh. ICRC iyo SRCS waxay sii wadayaan in xaaladda ay la socdaan.

Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) waxay qoysaska ku bakacay dagaalada Galkacyo u qybiyeen cunto iyo waxyaabo kale oo daruuri ah.

Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) waxay qoysaska ku bakacay dagaalada Galkacyo u qybiyeen cunto iyo waxyaabo kale oo daruuri ah.

 

images