Waxaaa la adeegsaday doomo si loo gaaro bulshooyin hafiyey biyaha daadka, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS)  waxay  in ka badan 16,000 qoysas ku nool hareerahga Webi Shabeelle waxyeelana  ka soo gaartay fatahaada u qeybiyeen cunto, agabka guryaha oo lagama maarmaanka ah.

Jawaanada ciida ayaa la raseeyey jiinka Webiga Shabeelle oo ah halka biyaha ka jabsadeen. ICRC ayaa qeybisay jawaanada ciida ka hor inta uusan bilaaban roobabka Deyrta si loo maareeyo socodka webiga. © ICRC/Nur Hassan Gure

Xilli roobaadka wuxuu sababay in sare u kaco webiga Shabeelle, kana dhashay fatahaad baahsan kaa oo xaaqay jidaka, go’doomiyeyna bulshooyinka sida daran u ugu dhuftay roobka. Waddooyinka biyaha ka sare maray waxay  ICRC iyo SRCS u aheyd  caqabad dheeraad ah in wax laga qabtana ay adkeyd.

Alaabta laga keenay doonta waxaa laga qeybiyey lix tuulo oo ku yaalaan gudaha iyo daafaha Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, Shabeelaha Dhexe. Qoyskiiba wuxuu helay 50 kg bariis,25 kg digir,10 litar saliida cuntada lagu karsado, 6.5 kg (buskutka tamarta sare) ee BP 5, xirmo  ku jirto alaabta fayadhawrka, maacuun, teendho, maro kaneecooyin, derin, baaldiyo iyo kaniinka biyaha lagu nadiifiyo.

Kooxaha ICRC waxay la socdaan deegaanada Jubba iyo Shabeelle oo weli ka da’aya  marna da’marna joogsada iyadoo ay aheyd in xilli roobaadka uu dhammaado.

Kooxaha ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay doon ku gaareen tuulo ku taalo Shabeelaha Dhexe si ay sameeyaan cunto qeybin. Kooxaha in ay gaaraan caqabad ayey ku aheyd sababtoo ah waddooyinka deegaanka ayaa biyo ka sare maray © ICRC/Nur Hassan Gure

images