Maanta dunida waxay u dabaaldageysaa sanadguuradii 50maad ee Mabaadiida Aasaasiga ah oo qeyb ka ah Dhaqadhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas. Iyadoo loogu dhawaaqay magaalada Viyeena 1965tii, todobada mabaadii waxay yihiin kuwa qeexa dhaqanka iyo qiyamka Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas. Waxay mideeyaan Dhaqdhaqaaqa ku dhowaad 189 dal waana saldhigga go’aamadeena iyo howlaheena. Waxay cadeeyeen inay muhiim u yihiin Dhaqdhaqaaqa xiliyada colaada iyo nabadda.

Aadananimo waxay sharaxeysaa ujeedadeena ugu muhiimsan; ahmiyada waajibaadka shaqo ee Laanqeyrta Cas Bisha Cas  waxay tahay in laga hortago lana yareeyo dhibaatada aadanaha iyadoo la dhowrayo nolosha iyo caafimaadka lana xaqiijinayo ixtiraamka loo hayo aadanaha.

 

 

Eexasho la’aan waxay micnaheedu tahay gargaarka Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas wuxuu ku saleysan yahay keliya baahida iyadoo loo eegayn sifooyinka sida jinsi, diin, darajo iyo dhalasho.

 

 

Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waa dhexdhexaad had iyo jeer. Tani micnaheedu waxay tahay inaanu dhinac raacin colaadaha iyo inaan ka fogaano ku luglahaansha muranada, aaminaad iyo ogolaanshiyo awgeed.

 

 

Madaxbanaani waxay tmicnaheedu tahay in Jimciyad Qarameedyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ay ka madax banana yihiin dowladaha qaranka si ay u hubiyaan awooda ay had iyo jeer ku howlgalayaan taaso ku saleysan baahida gargaar.

 

 

icon Voluntary service

Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas wuxuu ku qotamaa adeeg mutadacwnimo; mutadawaciinta iyo shaqaalahaba waa wejiga Dhaqdhaqaaqa ee bulshooyinka aanu u adeegno, iyagoo bixinaya adeeg shaqsi ahayn oo dani wadin, dhiirigelisayna aadananimo keliya.

 

 

icon Unity

Midnimo waxay micnaheedu tahay Jamciyad qarameedyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waxay ka shaqeeyaan gees walba ee dalkooda. Tani waxay xaqiijinaysaa inay haystaan kalsoonida bulsho walba iyo inay sii wadaan bixinta adeegyada muhiimka ah iyadoo loo eegayo baahiyooyinka deegaanka.

 

icon Universality

Iyadoo ka howlgala 189 dal, Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waa dhaqdhaqaaq caalami ah kaasoo awood u leh balaarinta awooda shabakada caalamiga ee lagu hagayo gargaarka meelaha baahiyooyinka ugu daran yihiin.

 

Mutadawaciinta Bisha Cas ee Liibiya waxay dawo u qaybinayaan dhamaan isbitaalada dalka dhan, ee meelaha colaadu ka taagan tahay, iyagoo dhexdhexaad ah aanan dhinac ka qaadaneyn colaada. Bisha Cas ee Lioibiya waxay ka howl geli kartaa dhamaan qeybaha oo idil ee dalka si ay u gaarsiiso caawinaad halka looga baahan yahay

Mutadawaciinta Bisha Cas ee Liibiya waxay dawo u qaybinayaan dhamaan isbitaalada dalka dhan, ee meelaha colaadu ka taagan tahay, iyagoo dhexdhexaad ah aanan dhinac ka qaadaneyn colaada. Bisha Cas ee Lioibiya waxay ka howl geli kartaa dhamaan qeybaha oo idil ee dalka si ay u gaarsiiso caawinaad halka looga baahan yahay