Iyadoo la joogo gebagebada bisha Ramadaan ciidul fitrigana nagu soo dhowdahay.Muslimiinta caalamka oo dhan waxay ku xusi doonaan dhammaanshaha guusha leh ee Ramadaan dabaaldeg diimeed.
Intii lagu guda jiray Ramadan, ICRCda Soomaaliya waxay olole qeybin ah ka sameysay 27 xabsiyo ku yaala Soomaaliya kana faa’iday in ka badan 5,500 maxaabiis. Tirada guud ee alaabta la qeybiyey waxaa ka mid ah;
- 5,770Kg caano boore
- 22,680Kg sokor
- 1134Kg caleen shaah
- 11,940Kg timir
- 1062 xabbo kutub Qur’aan
- 297 neef oo ari

Ari laga qeybiyey Xabsiga Dhexe ee Baydhabo. © ICRC/Miraj Mohamud
Anagoo dhan oo ah Ergada ICRC Soomaaliya; Ciid Mubaarak!