Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya waxay bisha Ramadaan sanadkan ku xuseen in ay cuto iyo kutubo Qur’aan ka qeybiyaan   xabsiyada Soomaaliya ku yaala. Cuntada la qeybiyey waxaa ka mid ahaa timir, hilib, sokor, caleen shah iyo caano.

Bisha barakeysan ee Ramadaan waa xilli qadarin leh   oo Muslimiinta dunida guudkeeda ku nool ay   tukadaan   soomaan. Muslimiintu waxay soomaan laga bilaabo marka qoraxda ay soo baxdo ilaa ay ka dhacdo. Waa waqti la isxakameeyo lagana mashquulo qiyamka ruuxiga asaasiga ah oo ay ka mid tahay bixinta sadaqada iyo u garaabida dadka nasiibka yar.

Ololaha cunto qeybinta Ramadaan ee Sanadkan waa dhacdadii   saddexaad oo xiriir loo sameeyo ayna noqotay wax uun ah dhaqan sanadle   oo ICRC Soomaaliya sameyso si loo xaqiijiyo in maxaabiistu ay ku nagaadaan xerada inta lagu guda jiro munaasabadan diineed muhimka ah.

“Hawsha Xabsiyada ICRCda Soomaaliya ujeedkiisu waa in uu xaqiijiyo in dadka xoriyadooda laqa qaaday loola dhaqmo sharaf iyo aadananimo,” sidaa waxaa yiri Axmed Zarouq, Isku-duwaha hawlaha ilaalinta ICRC Soomaaliya.

Qeybinta Ramadaan waa dhaqan astaan wuxuuna dhisaya hawlaha xabsiyada ICRC Soomaaliya.

Muujinta dareenkan   waxaa si fiican ugu   mahadiyey maxaabiista kuwaas oo hadda rajo fiican ku dhawraya munaasabada.

“Ramadaan waa bil gaar ah cuntadana waxay nagu caawineysa in aan soono. Waan faraxsanahay lanama iloobin,” sidaa waxaa yiri Afow Cali, maxbuus ku jira Xabsiga Dhexe Baydhabo.

“ICRC waxay   caawintaa   maxaabiista inta lagu jiro bisha Ramadaan. Tani waxay wax ka geysataa wanaaga maxaabiista, gaar ahaan, iyadoo la haysto cunto ku   haboon in lagu afuro. Waan ku faraxsanahay in aan arko sida ICRC u daneyneyso xaaladaha guud ee maxaabiista,” Sidaa waxaa shaaca ka qaaday Cabdulkadir, Taliyaha Xabsiga Laas Caanood.

Ramadan 2 blog

Niman meel ka baxsan xabsi ku yaala Soomaaliya ka dejinaaya waxyaalo qeybinta Ramadaan ah. Qeybinta Ramadaan waa hawl sanadeedka xabsiyada ee ICRCda Soomaaliya oo maxaabiista u xaqiijeneysa in aan la iloobeynin inta lagu guda jiro munaasabadan muhimka ah. © ICRC/Pedram Yazdi

 

Ololaha qeybinta wuxuu gaarey 24 xarumaha dadka lagu xiro iyo xabsiyo guud ahaan Soomaaliya. In ka badan 6000 maxaabiis ayaa lagu wadaa in ay ka faa’ideystaan ololaha inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Ku akhri af Carabi

 

images