A building in Somalia that has been destroyed by years of conflict

Dhisme Soomaliya ku taalo ooku baaba’day colaad jirtay sanooyin. © ICRC/Pedram Yazdi

Soomaaliya waxaa burburiyey tobanaan sano oo colaad hubeysan ayna carqaladeeyey   dhismaha habnololeedka bulshada kuna riday  jahawareer. Abaaraha dhacaya xilliyada iyo fatahaadaha ayaa dhibaatada sii xoojiyey ayagoo qeyb ka mid ah waddanaka ka abuuray cunto yari ba’an. Caruurta, gaar ahaan kuwa da’dooda ka yartahay shan sano ayaa u nuqul cudurada ka dhasha cunto yarida oo aan la hubinin nafaqo darida ka dhalaneysa in ay tahay dilaa.

*Maryan waa 23 jir waxay caungeed oo 9 bilood jirka ah keentay Isbitaal Goboleedka Baydhabo. Canugga wuxuu u muuqdaa mid daciif ah oo hurdo barkeed ku haysta gacmaheeda.

”Muddo dheer ayuu xanuunsanaa. Waxaan tagey tiro xarumo caafimaad midna uma muuqan in uu shaqeynaayo. Waxaa la i dhigay halkaan ee Isbitaalka, waan u duceyna in ay bogsato.”

Isbitaal Goboleedka Baydhabo Xarunta Xanaanada deg degga ah ee nafaqo darida. Maryan canugeed waxaa la siin doonaa quudin dheeri ah lagana daweeyey cuduro la xiriira nafaqo darida.Wuxuu barnaamijka quudinta ku joogi doonaa ill uu gaaro culeyska ugu fiican.

Ka gadaal bixitaankii deg degga ahaa ee Medicines Sans Frontiers (MSF)  kaga baxeen Soomaaliya Agoosto 2013, hawlaha caafimaadka ayaa si xun waxyeelo u gaartay. Nofembar 2013, ICRC waxay go’aansatay in ay taageerto Isbitaalka Kismaayo qeybta bukaan jiifka lagu nafaqeeyo (Stabilization Centre)  Waxay barnaamij kaa la mid  ka bilowday Isbitaal Goboleedka Baydhabo Maay 2015.

Nafaqo darida waa dhibaato baahday oo haysata caruurta ku nool Soomaaliya.  Badanaa waxaa sababa cunto la’aan iyo fikrado khaladan oo laga aaminsanyahay  habka quudinta.

Maryan and her baby at the ward in Baidoa’s Stabilization Centre.

Maryan iyo canugeed oo joogaan qolka Isbitaalka Baydhabo Xarunta Xanaanada deg degga ah ee nafaqo darida. © ICRC/Pedram Yazdi

Maryan waa ay joojisay naas nuujinta canugeed mana rabto in mar kale nuujiso. Waxaa suurtagal ah in ay uur qaado, naas nuujintana waxyeelo gaarsiiso canuga uurka ku jira.

“Waxaa jiraa aqoon la’aan dhanka baahiyaha nafaqada caruurta. Waa muhim in barnaamijka uu la shaqeeyo hooyooyinka iyo xanaano bixiyeyaasha si ay dadka ugu dhaadhiciyaan hababka quudinta habboon,” waxaa sidaa yiri Kristy Manners, ergo ka tirsan ICRC u qaabilsan barnaamijka nafaqeynta.

Xarunta, Maryan waxaa lagula taliya caadooyinka quudinta habboon iyo muhimada caafimaadka canuga u leedahay caanaha naaska. Arrinteeda wuxuu muhimad gaar ah siinaya baahida barnaamijka bukaan jiifka halkaas oo hooyada si joogto ah ula xiriireyso shaqaalaha nafaqeynta intaasna canugeeda soo kabsanaayo.

Isbitaalka Baydhabo qeybta Xarunta Xanaanada deg degga ah ee nafaqo darida wuxuu hooyada siiya cunto saddex jeer ah maalintii iyo xanaano bixiyeyaal ilaa iyo mudada soo kabsashada canuga.

It is lunch time and the kitchen at the Baidoa Stabilization Centre is busy serving meals to the mothers and care givers.

Waa waqtiga qadada jikada Stabilization Centre Baydhabo waxay ku mashquulsantahay cunti siinta hooyada iyo xanaano bixiyeyaasha. © ICRC/Pedram Yazdi

Tirada bukaan oo  soo booqanaaya xarunta waa ay saddex jibaarantay tan iyo intii si buuxda u hawl gashay. Tani waxaa sabab u ah habka guud ee barnaamijka u taageero canuga iyo hooyada ama xanaano bixiyaha.

Sida laga soo xigtay ururada caalamiga ah, ku dhowaad 200,000 caruur ku sugan Soomaaliya ayaa nafaqo xumo haysaa, ku dhowaad 38,000 kuwaas ka mid ahna ayaa si ba’an nafaqo xumi u haysaa waxayna si daran ugu baahanyihiin  quudin ku daweyn iyo daaweynta caafimaadka. Labada xarumood la xusay, inkastoo keligood  isku filneyn waxay bixisaa meel laga helo xanaanadan muhimka ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya

* Ma ahan magaca dhabta ah

 

images