Ilaa bilowgii 2015, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta  Cas (ICRC) waxaa in ka badan nus malyan qof oo ku nool Ciraaq siiyeen cunto iyo alaabo kale oo muhim ah. Sahay caafimaad oo muhim ayaa xitaa loo qeybiyey 45 xarumo caafimaad waddankoo dhan. Bixinta sahaydan gargaarka deg degga ah oo la siiyey dhibanayaasha colaada sii  socota  ayaa la hirgeliyey iyadoo jirto tiro caqabado ah. Weli kumanaan kale ayaa u baahan caawimaad deg deg ah.

Dominik Stillhart, Agaasimaha hawlgalada ICRC ayaa ka cabsi qaba in colaada Ciraay aan sida uga dhakhsiyaha badan u dhammaaneynin.

Xilli booqashao shan beri   ku tagay Ciraaq   wuxuu indhihiisa ku arkay  qaabka dhibka colaada  iyo silica haysta dhibanayaasha.

“Waxaan booqday xero ku jiraan dad barakacayaal ah kuna taalo xadka u dhaxeeya Baqdaad iyo Gobolka Anbaar. Dadku waxba ma haystaan dharka ay ku taaganyihiin mooyee. Waxay ku noolyihiin teendhooyin. Musqulo ma jiraan, xarumo caafimaad ma jiraan,   magac ahaan mooye biyo ma jiro. Dhab ahaan caruurta waxbarasho ma haystaan waxay ku hoos noolyihiin qorax aad u kulul.”

 

 

Dominik Stillhart oo booqanaaya xero barakaca kuna taalo duleedka Baqdaad

Dominik Stillhart oo booqanaaya xero barakaca kuna taalo duleedka Baqdaad

 

Qodobkan oo lagu daabacay Independent waxaa cadaaneysaa in xaalada sida deg degga ah uga sii dareysa aan xal deg deg ah loo heli doonin. Xaqiiqdan xumaatada xambaarsan awgeed, ayaa ah sababta ICRC u xoojisay codsigeeda    maalgelinta dheeriga ah si gargaar loo siiyo ku dhowaad 900,000 qof.

“… si loo bilaabo xallinta dhibaatooyinka, marka hore waa in aan ku bilownaa daryeelka dadka . Dadka oo idil,” Stillhart ayaa ku booriyey.

Colaada ku sii socoto in aan yaraan, helida galaangal horjoogsad laheyn waa muhimada gaarida dadka dhibanayaasha ayaa aad muhim u ah.

“Waa muhim in la helo galaangal xanibaad laheyn si loo caawiyo dhammaan kuwa baahan,” waxaa sidaa yiri madaxa ergada ICRC Ciraaq Patrick Youssef. “Qeybaha oo dhan waa in koloyadeena aadminimo siiyaan galaangal dhakso leh si cuntada, biyaha iyo saheyda caafimaadka si aan daah laheyn u gaarto dadka.”

ICRC waxay dhammaan qeybaha colaada ku lugta leh xusuusineysaa waajibaadkooda kaga aadan xeerka caalamiga Aadminimada si loo ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah sidoo kalena loo ilaaliyo shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha caafimaadka.

 

images