Agaasimaha Hawlgalada ee Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas  (ICRC) , Dominik Stillhart, ayaa muujiyey walaaca ku saabsan tirada  kororka dimashada ama dhaawaca ku dhacaya dadka rayidka ah ee colaada ka socota Afkhanistaan. Wuxuu yiri tani waxay si gaar ah u dhibeysaa   goor ballanqaadyada maalgelinta lagu caawiyo hawsha aadminimo gudaha waddanka ay sii yaraaneysay.

“Tirada weerarada kordhaya setimaanadii laga soo gudbay iyo dhimashada badan ku dhacday dadka Afkhansitaan ayaa si aad ah noo walaac geliyey,” mudane Stillhart ayaa sidaa yiri goor booqasho ku bixinaayey wadanka. Qaabka weerar oo aan kala sooca laheyn oo  18 Abriil ku dhacay Jalalabaad dilayna ugu yaraan 33 qof dhaawacna u geystay in ka badan 100 oo ay ka midyihiin rayid farabadan tani waxay muujineysaa  dareen dhanka khatar ah.

“Baahida aadminimo ka jirta Afkhanistaan ma ahan kuwo yaraanaya. Way kordhayan. Waxaan aragnaa dagaalka oo si xooggan u kordhaya,” waxaa sidaa yiri Agaasimaha Hawlgalada ICRC. ICRC waxay kaalmeysay 345 oo soo gaaray goobaha caafimaadka kana yimid meelaha fog fog iyo jiidaha dagaalka saddexdii bilood ugu dambeeyey ee 2015.  Tani waa koror 19% marka la barbar dhigo waqtigaan oo kale sannadkii hore.

“Waa arrin muhim ah, waqtigaan la joogo oo deeq bixiyaasha ay ku taaganyihiin balamahooda ku wajahan kuwa ugu nugul Afkhanistaan,” mudane Stillhart ayaa yiri. Ilaa imika, codsiga ay sameysay ICRC-da hawlaheeda aadminimo 2015 Afkhasnistaan waxay heshay keliya 35% oo maalgelintii loo baahnaa.

Xilligii booqashadiisa, mudane Stillhart wuxuu la kulmay saraakiil sar sare ee Afkhanistaan wuxuuna kala hadlay arrimo ku saabsan xariga, caafimaadka iyo gargaarka loo fidiyey dadka barakacayaasha.  Wuxuu kaloo la kulmay Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Afkhanistaan (ARCS) Fatima Gailani wuxuuna kala hadlay caqabadaha aadminimo ee wadanka ka jira iyo joogteynta wadashaqeynta u dhaxeysa ICRC iyo ARCS.

 

Intii lagu guda jira y bilihii Jannaayo iyo Maarso 2015, ICRC-du waxay:

80,000 qof siisay biyo nadiif ah

Ku dhowaad 35,000 qof ayaa  gaarsiyey gargaar muhim ah

Ku dhowaad 5,000 adimo ayaa loo sameeyey bukaanada jirka   ka   naafoobay

Faahfaahin dheeri ah, daawo xaqiiqooyinka iyo tirooyinka ee ugu dambeeyey ku saabsan hawsha Afkhanistaan.

 

Faahfaahin dheeri ah, fadlan la xiriir:

Marek Resich, ICRC Kabul, tel: + 93 729 140 510

Zarlasht Sarmast, ICRC Kabul, tel: + 93 794 618 908

Francis Markus, ICRC Jenefa, tel: 41 79 217 32 04

 

images