Hawsha sugnaanta dhaqaalaha ee ICRCda waxay ku dadaaleysaa in ay sugto in qoysaska iyo bulshooyinka ay helaan kharajyadooda muhimka ah misna joogteeyaan ama dib u soo celiyaan habnololeed waara. Mashaariicdan waa laba qeybood oo ballaaran;  Gargaarka deg-degga ah oo ka faa’iday dad gaaraya iyo Mashaariicda habnololeedka ka faa’iday

1. Gargaarka deg-degga ah oo ka faa’iday dad gaaraya 6, 83,106

  • Cunto loo qeybiyey dad waxyeelo ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay Puntland iyo abaaro qallafsan iyo qalalaase ka dhacday gobolada Sool,Sanaag,Nugaal,Gedo,Hiiraan iyo Mudug ayaa faa’iday dad gaaraya177,732
  • (Xoolo dhaqatada oo laga gatay xoolaha weydka ah abaarta darteed) ayaa ka faa’iday dad gaaraya 27,342
  • Hilibka ka yimid xoolihii laga gatay xoolo dhaqatada ayaa loo qeybiyey dad gaaraya 168,000
  • 51,672 qoysas beeraley ah ayaa loo qeybiyey jawaanada lagu shubo ciida, kana faa’iday dad gaaraya 310,032 ka dib fatahaad daran si dhul beereedkooda u badbaadsadaan

2. Mashaariicda habnololeedka ka faa’iday 956,282 qof

  • 20 bulsho nugul ayaa la taageeray oo loo sameeyey loona hormariyey iskaashato beeraley ah waxaana lagu taageeray cagaf cagafyo, beeraleyda fatahaadu waxyeeleysayna waxaa gacan lagu siiyey abuur iyo qalab( dhanka iskaashatada ah), waxaana ka faa’iday dad gaaraya 124,320
  • Xoolo nool qeybin lagu sameeyey Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu taageeray 18,450 barakacayaal dib ugu laabtay tuulooyinkooda
  • Waxaa xoolo raacato gaaraya 1,107 lagu taageeray dhakhli abuur ku milsan hawshooda kana faa’iday dad gaaraya 6,642
  • Taageero la gaarsiiyey 8 xarumood oo xoolaha lagu daweeyo iyo 13 farmashiye lagu gado daawada xoolaha, waxaana ka faa’ideystay dad gaaraya 391,932
  • Daaweyn ka hortag oo lagu daweeyey xoolo gaaraya 3,500,000 neef kana faa’iday dad gaaraya 195,000
  • Tababar-xirfadeed dhanka kalluumeysiga ah iyo dayactir lagu sameeyey qalabka ayaa ka faa’iday dad gaaraya 10,800
  • Taageero lacageed oo toos ah lana marsiiyey dhanka telefoonada gacanta lagu qaato iyadoo diiradda la saaray haweenka haweenka nugul iyo la fuliyey mashaariic shaqo lacag ku bedelasho looguna tala galay horboodayaasha qoyska dhibaateysan, waxaana ka faa’iday 203,138
  • Xoolo dhaqatad Gobolada Waqooyi ayaa lagu taageeray sidii ay sameysan lahaayeen hannaan kale oo dakhli oo dakhli ka dhaliyaan kana faa’iday 6,642