Ujeeda da ICRC u booqato xabsiyada waa in la xaqiijiyo in maxaabiista loola dhaqmo si ay ku dheehantahay sharaf iyo aadminimo.

  • Waxaa 66 booqasho lagu kala bixiyey 26 goobood oo dad lagu hayo( xabsiyada dhexe,waaxyaha dembibaarista iyo meelaha nabadgelyada dadka lagu hayo) si loo qiimeeyo xaaladaha
  • Tababar-xirfadeed la siiyey 60 maxaabiis
  • 2,300 maxaabiis loo qeybiyey bustayaal iyo furaash(joodari)
  • Waxaa la hagaajiyey daryeelka caafimaadka asaaasiga ah ee xabsiyada dhexe Muqdisho iyo Baydhbo( waxaa la booqday 2,833maxaabiis waxaana la daweeyey 3,665)
  • Waxaa baraarujin caafimaad loo sameeyey 4,000 maxaabiis oo 16 goobood dadka lagu hayo.
  • Waxaa ceel rig cusub loo qoday Xabsiga Dhexe ee Garoowe. Xabsiyada Baydhabo iyo Beletweyne waxaa loo dayactiray meelaha cuntada laga kariyo iyo dhismooyinka fayadhawrka, Xabsiga Dhexe Koofurta Gaalkacyo waxaa loo dhisay meel lagu madadaasho
  • Waxaa caawimaad loo fidiyey 22 maxaabiis ajaaniib ah iyadoo kuwo kastana safaaradahooda lagu wargeliyey meesha ay ku suganyihiin hadana lala xiriiriyey qaraabadooda dibadda joogaan.