Jenefa/Sanca (ICRC) – Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) waxay ka argagaxday weerarkii habeen hore meel u dhow dekedda Xudeyda loogu geystay markabka rayidka oo siday ku dhowaad 150 rakaab, ayna ku jiraan haween iyo caruur.

Weerarka waxaa ku dhintay dad gaaraya 33 qof, waxaana ku dhaawacamay 29 qof iyadoo rakaab kalena la la’ yahay ama ay daryeel u fidinaayan maamulada degaanka. Saaka shaqaale ka tirsan ICRC ayaa gaaray dekedda si ay u caawiyaan dadka ka badbaaday taageerana u siyaan isbitaalada maxalliga.

“Waxay aheyd muuqaal naxdin leh. Waxaan arkay rag badan, haween iyo caruur ama la dilay ama si xun loo dhaawacay,” Eric Christopher Wyss oo goobta jooga ayaa yiri. “ Dadka ka badbaaday waxay inoo sheegeen inta badan rakaabka in ay ahaayeen qaxooti ka yimid Soomaaliya ama Yaman oo ka cararaya colaada.

Duruufaha ku xeeran weerarka weli ma cada. Laakin iyadoo la tixraacayo xeerka caalamiga ee bani’aadamnimada, dadka rayidka ah waa in aan la weerarin, qeybaha ku lugta leh dagaalka waa in ay sameeyaan wax kasta oo macquul ah si loo xaqiijiyo in bartilaameedka uu yahay alaab ciidan. Waa in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah si loo raadiyo, loo soo uruuriyo lana daad-gureeyo dadka dhaawaca ah, kuwa buka iyo dadka badda ku qarqada.

“Waxaan si xoog leh u cambaareyneyna weerarkan waxaana aad uga xunnahay dhimashada murugada leh,” waxaa yiri Dominik Stillhart, agaasimaha hawlgallada ICRC.” Dadkan qudhooda waxay ka cararayeen colaad iyagoo raadsanaya meel ammaan ah iyo nolol fiican. Qeybaha ku lugta leh dagaalka waxaan ugu baaqeyna in baaritaan deg deg ah ku sameeyaan waxa dhacay.

Dadka dhaawaca ah waxaa loo wareejiyey isbitaal ku yaalo Xodeyda. Dhowaan ICRC waxay sahay caafimaad gaarsiyeen xarumaha caafimaadka maxalliga ka gadaal dagaaladii dhowaan soo kordheen.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir :
Soumaya Beltifa (English/Arabic), ICRC Sana’a, tel: +967 73 607 1967
Iolanda Jaquemet, ICRC Geneva, + 41 79 447 37 26