Dakar/Nairobi (ICRC) – In ka badan 25,000 oo da’yar ah ayaa lagu la’yahay guud ahaan Afrika, sida lagu sheegay tirokoobyadii ugu danbeeyay oo uu baahiyay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas  (ICRC). Caruurta ayaa ka dhigan boqolkiiba 40% 64,000 ee kiis ee dadka la waayay oo ay ICRC-du ka diiwaangalisay qaaradda oo dhan.

Waxaa jira in ka badan 35 colaado hubeysan ah oo ka socda Afrika maanta; kumanaan qof, oo ay ku jiraan caruur, dadka xuduudaha ka gudba, Saxarah Lamadagaanka iyo badda Mediterranean-ka iyaga oo raadinaya badbaado iyo nolol wanaagsan sanad kasta. Dhaq-dhaqaaqyada nuucan ah ayaa badanaa wata halis aad u weyn, oo ay ku jirto halista ah in qofka la weyn karo. Kiisaska la diiwaangaliyay ee dadka la la’yahay ayaa aad u kordhaya; si kasta ha ahaatee, ICRC-du waxa ay ka digeysaa in tirada saxda ahi ay intaa aad uga badantahay.

Nasiib darro, 25,000 ee ah kiisaska la diiwaangaliyay si buuxda ugama tarjumayaan arintan bani’aadamnimo ee naxdinta leh inta badana la dayaco. Shaki kuma jiro in ay jiraan caruur intan ka badan oo aanan la ogeyn halka ay ku danbeeyaan,” ayuu yiri Patrick Youssef, oo ah agaasime goboleedka ICRC ee Afrika.

Inta uu barakucu socdo, caruurta ayaa waxa ay wajahaan khataro sida si xun uga faa’iideysi, rabshado, dhibaato maskaxeed iyo in la waayo. Kuwo badan ayaa ku danbeeya in ay kali noqdaan, iyada oo aanan wax war ah laga heynin halka ay qoysaskoodu ku danbeeyaan. ICRC-du waxa ay gacanta ku heysaa in ka badan 5,200 oo ah kiisas la diiwaangaliyay oo ku saabsan caruur aan cidina wehlin Afrika gudaheeda.

Aamina, oo ah ilmo yar oo waalidkeeda lagu dilay weerar lagu qaaday tuuladooda oo ku taala dalka Maali, ayey u suurogashay iyada iyo walaalkeeda in ay u qaxaan dalka dariska la ah ee Niger. Ka dib afar sano oo kala maqnaasho ah, ayey ICRC-du heshay eedadeed.

“Markii aan arkay sawirkeeda, qalbiga ayaan ka dareemay fudeyd sababta oo ah wax war ah kama aanan helin muddo sadex ama xitaa afar sano ah. Alle ayaan ku mahdinayaa in aan warkeeda helo, waana sugi la’ahay maalinta aan dib-u-middobi doono oo aan sidan oo kale u wada fariisan doono.” ayey tiri Aamina ka dib markii ay eedadeed taleefoon kulahadashay.

Si kor loogu qaado nidaam habeysan oo wax tar leh dalalka Afrika gudahooda oo ka caawin kara in ay ka hortagaan dadka la weynayo xog fiicanna qoysaskooda ka siin kara halka ay ku danbeeyaan, ICRC oo uu wehliyo Midowga Afrika ayaa Addis Ababa ku martigalineysa shir siyaasadeed heerkiisu sarreeyo 30-ka bisha Agoosto, iyada oo diiradda lagu saarayo muhaajiriinta la la’yahay.

“Heysashada siyaasadaha saxda ah ayaa badbaadin karta nafta dadka. Waa tillaabo muhiim u ah ilaalinta muhaajiriinta iyo qoysaska dadka la la’yhay. Tani waa su’aal ku saabsan bani’aadamka iyo sharafta bani’aadamka,” ayuu yiri Patrick Youssef, “Qoysaska ay dadkoodu maqanyihiin ayaa wajahaya xanuun aad u daran iyo caqabado kuwaas oo badanaa jiilal isaga gudba. Waxa ay ku xayiranyihiin xaalad hubanti la’aan ah, iyaga oo aan awoodin in ay hore u socdaan ama ay murugoodaan. Raadinta kuwii ay jeclaayeen marna ma dhammaato.”

Sanadka 2022, iyada oo uu ina wehliyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) 66,051 oo ah farriimaha Bisha Cas (RCMs) ayaa la isweydaarsaday, 84,955 wicitaano taleefan oo bilaash ah oo loo sameeyay qoysaska kala lumay 41 oo ah dad la la’aa oo la soo helay.