Shan bilood oo dib u dhis ah kadib, xarun caafimaad oo ku taal degmadda Afgooye ayaa la soo gabagabeeyey taas oo lagu wareejiyay ururka bisha cas ee Soomaaliyeed (SRCS), Xarun caafimaad oo horay u jirtay ayaa la dumiyey,  gudiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas ( ICRC) ayaa dib u dhisay  xarun caafimaad oo cusub si ay ugu adeegto daryeelka caafimaadna ugu fidiyaan bulshada.

Dib u dhiska xarunta caafimaadka ayaa ku lug lehaa dib uhabeynta dhismaha oo lagu kordhiyay goobaha bukaanka, iyo sidoo kale hagaajinta bulaacadda, biyaha iyo adeegyada korantada.

Xaruntan cusub ee la dayactiray ayaa waxaa daahfuray xoghayaha laanta bisha cas ee Soomaaiyeed (SRCS) ee Marka, Jamaal Sicidd, iyo ku xigeenka agaasimaha fulinta ee ururka bisha cas ee Soomaaliyeed (SRCS), Maxamed Cabdi Warsame. Mas’uuliyiin ka socota guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas (ICRC) ee Muqdisho, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo culumaa’udiin  ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda.

Xaruntan waxaa maamula ururka bisha cas ee Somaaliyeed (SRCS) waxayna gacan ka geysan doontaa in daryeel caafimaad la siiyo hooyooyinka iyo carruurta ku nool degmada Afgooye iyo tuulooyinka ku yaal koonfurta gobolka Shabeelada hoose, ayuu yiri xoghayaha qeybta Marka Jamaal Siciid.

In ka badan 18,000 bukaan ayaa booqda xarunta caafimaadka si ay uga faa’ideystaan ​​adeegyada bukaan socodka sanad walba. Qoysaska in ka badan 190 tuulo oo ku yaal koonfurta gobolka Shabeelada hoose iyo 23 aag oo ku yaal degmada Afgooye ayaa hadda ka heli doona  la talin caafimaad xarun caafimaadka.

Celcelis ahaan latalinta bukaan socodka ee ah 2,500, bukaan socod eegto ayaa waxaa la siiyaa talaal, daryeel ka hor dhalmada iyo daryeelka dhalmada ka dib, iyo barnaamijka nafaqada. daaweynta nafaqo-xumada ba an ee dhexdhexaadka ah (MAM) ee caruurta ka yar 5 sanadood iyo haweenka naaska nuujinaya ayaa socda si waafaqsan barnaamijka quudinta dheeriga ah ee (TSFP), Daaweyntu waxay fure u tahay in la joojiyo xaalad nafaqo-xumo, rugta caafimaadku waxay leedahay isku xirayaal ka shaqeeya caafimaadka haweenka oo doorkoodu yahay u gudbinta dadka rugta caafimaadka iyo dhalmada.

Adeegyada daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa badanaa ah mid ay adag tahay in laga helo bulshooyin badan, kaliya 15 % boqolkiiba dadka ku nool miyiga ayaa lagu qiyaasaa inay heli karaan daryeel caafimaad, shaqaalaha rugta caafimaadku waxay qaadanayaan talaabooyin ku haboon Covid-19′ iyo kor u qaadida fariimaha ka hortaga ee bukaanada.